Lafo Nibiri Dhintay 45 ilaa 36 Million Oo Sanno Ka Hor Oo La Helay

0
324

Waxa wabigay Whales ee dalkaasi Masar laga helay lafaha nibir aad u weyn oo la sheegay inuu halkaasi kusoo caaryey muddo qarniyo laga joogo,sida uu sheegay wasiira degaanka ee dawlada dalkaasi Masar.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in uu dhererka nibirigani yahay 18 Meters,isaga oo noolaa sida lagu qiyaasay muddo laga joogo 45 ilaa 36 million oo sanno.
Waxaanay khubaradii baadhaysay sheegeen inuu noolahani yaay mid ku noolaa badaha diiran ee koonkan,sidoo kalena yahay mid kamid ah xawayaanadii ugu dhaadheeraa ,isaga oo aad uga duwan kuwa hadda la helo ama noolba,waxaanay intaas raaciyeen qoraal ay ku sheegeen inuu kani yahay mid wax ku qaadasho ugu filan dadka,gaar ahaana dhalinyaradda.
Nibirigan ayay khubaradu sheegeen in aanu isagu noqon shidaal oo ah waxyaalah xayawaanada dhintaa inta badan isu bedelaan,iyaga oo sheegay in laga helay Haradda loo yaqaano Whales Masri oo hore uga mid ahaan jirtay Qara badda loo yaqaano.
Waxaanay kooxda saynisyahanada ahi sheegeen in nibirigani kamid yahay shanta nooc ee baddaha ku nool,kaas oo awood u leh inuu isaga gudbo meelo kala duwan ,sidoo kalena iska difaaco waxyaalaha ka hor yimaada.
Waxaanay khubaradani sheegeen inuu halkaasi ku dhintay ,kuna soo caaryey xeeliga haradaasi,iyada oo baadhitaano ay beryahaasiba ka socdeen haradaasi,waxaanay bilaabmeen sannadkii 2002 –dii,iyada oo laga helay waxyaalo la sheegay in lagu daadiyey 1902,waxaana waxyaalaha taariikhiga ah ee halkaasi laga helo la wareegta oo ilaalisa inta badan hay’ada UNESCO.
 
 
 
 
 

Leave a Reply