Wiil Xili Maskaxda Laga Qalaayey Qaaday Heeso Kala Duwan ,Sidoo Kalena Tumay Gitaar

0
326

Wiil u dhashay wadanka Baraasiil oo inta badan tuma qalabka heesaha ee Gitaarka loo yaqaano laguna magcaabo Anthony Dias ayaa noqday mid aad uga yaabiyey dhakhaatiirtii qalaysay ,isaga oo Gitaarkiisa heesaha tumaayey intii lagu jiray qaliin lagaga sameeyey Maskaxda.
Ninkan ayaa sidoo kale ku heesaayey waqtigaasi heesta lagu magcaabo Yesterday oo caan a ah wadankaasi, waxaanu wiilkani ahaa mid da’ahaan jira 33 sanno,waxaanu galay Koomo,taas oo keentay inuu Gitaarkaasi tumo ,sidoo kalena heestaasi qaado ,isaga oo ku jira Koomadaasi.
Wiilkan ayaa sidoo kale aan ku ekaan heestaasi oo keliyaata ee waxa kale oo uu intii uu qaliinka ku jiray waxa uu qaaday heeso badan oo caan ka ah wadankaasi Baraasiil,kuwaas oo ay kamid tahay ta calanka ee wadankaasi Baraasiil.
Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Telegraph ,waxa uu wiilkani ahaa mid garaacaayey Giitaarkaasi muddo 20 sanno ah ,waxaanay sheegeen inay tani si aan caadi ahayn uga gashay maskaxda.
Waxaanay arrimaha qaliinka ee lagu samaynaayey ku dhamaadeen guul,iyada oo ay dhakhaatiirtu ka duubeen Video intii hawshaasi socotay,waxaana toos u muujinaayey laydhadhkii ku xidhnaa meesha qaliinku ka socday.
Qaliinada noocan ah ayaa ah kuwo ay adag tahay in laga soo kacaa,sidoo kalena sida uu qofkaasi uga badbaadaa ayaa ah mid aad u adag.
 
 
 

Leave a Reply