Markabkii Quusay ee Shiinaha oo la Toosiyay

0
304

Dadka wax badbaadiya ee Shiinaha ayaa qumaati u toosiyey markabkii quusay ee ay saarnaayeen in ka badan 400 ee qof.
Waxa loo malaynayaaa in ka badan 400 oo qof in ay ku dhinteen shilkaasi.
Markabkaasi oo la yidhaahdo the Eastern Star ayaa waxa uu qalibmay gelinkii dambe ee Isniinta, kaddib markii ay ku dhufatay duufaan xoogbadan
14 ka mid ah 456-kii rakaab ahaa ayaa ilaa hadda la ogyahay in ay ka badbaadeen shilkaasi.
Waxay u muuqataa in ay tani tahay musiibadii ugu darnayd ee dhinaca badda ah ee qabsata shiinaha in ka badan 60 sano.
Xukuumada Shiinuhu waxay sheegaysaa in ay aad u yartahay rajada laga qabo in dadka biyahaa quusaa ay soo saaraan dad kale oo nool.
Khamiistii qaar ka mid ah qaraabada dadkaasi badan ee uu markabku kula dagay wabiga Yangtze, ee dalka Shiinaha ayaa mudaaharaad ka dhigay goobtii uu shilku ka dhacay agteeda.
Tiro dad ah ayaa xoog ku dhaafay markaasi jidgooyooyin ay booliisku dhigteen meel u dhaw wabiga, iyaga oo dalbanaya in xog dheeri ah la siiyo

Leave a Reply