Falanqeyn ku saabsan Doorashada Turkiga

0
318

Dalka Turkiga waxa ka socda ololaha doorashada, waxaana la dareemayaa in xisbiyadu ay si aad ah ugu tartamayaan soo jiidashada codbixiyaasha
Doorashada waxay dhici doontaa 7-da bishan Juun. Balse waxa jirta xiisad. Waxa la weeraray xarumaha xisbiyada iyo xitaa musharaxiinta.
Arrimaha la isku hayo doorashooyinka waa kuwa aad muhiim u ah. Dadka dhaleeceeya xukuumadda ayaa sheegaya in doorashadan laga yaabo in ay noqoto tii ugu dambaysay oo hab demoqaraadi ah u dhacda ka hor inta dalka aanu gelin kelitalisnimo.
13-kii sano ee la soo dhaafay waxa dalka ka talinayey xisbiga xidhiidhka la leh islamiyiinta ee AKP.
Waxa uu xisbiga ku guulaystay todobo doorasho iyo laba afti, waxayna u muuqataa in uu noqon doono xisbiga ugu weyn ee ku guulaysan doona doorashada.
Haddii doorashadan uu ku guulaysto xisbiga, oo uu helo wax ka badan boqolkiiba 66 kuraasta barlamaanka, xisbiga waxa uu awood u yeelan karaa in uu badelo dastuurka dalka isagoo adeegsanayo aqlabiyada uu ku leeyahay Barlamaanka.
Waxa aad loo dareemayaa saameynta Madaxweyne Erdogan oo doonaya in uu badelo hanaanka siyaasad ee dalkaasi Turkiga, waxa uu doonayaa in uu meesha ka saaro hanaanka barlamaaniga oo uu ku badelo hanaan madaxweynaha si toos ah loo soo dooranayo.
Dadka dhaliila Erdogan ayaa sheegaya in tani ay aad u kordhin doonto awooda uu yeelan doono Erdogan.
 
 

Leave a Reply