Somaliland Oo Ciiddeeda Ka Celisay Dad Sharci Darro Kaga Soo Degay Madaarka Hargeysa

0
581

Hargeysa(Dawan):  Taliyaha Ciidamadda laanta socdaalka ee Somaliland ayaa ka hadlay dhalinyarro ka yimid magaaladda Muqdisho oo doraad  dib looga celiyay madaarka diyaaradaha  magaalada Hargeysa. Waxaanu  sheegay in sababta  dadkaasi loo celiyay ahayd in shan ka mid ah dhalinyaradaasi aanay sidan aqoosi  cadaynaya ujeedada safarkooda, sidaas darteedna ay dib u celiyeen.
Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa  sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya  ay kala yihiin laba dal oo kala duwan, isla markaana aan   Somaliland lagu soo geli Karoo o keliya   Baasaboor sharci ah. “Way jiraan dad aanu ka  celinay madaarka Cigaal ee Hargaysa, 45 qof ah ayay ahaayeen oo ka soo degay madaarka,  kadib  markii aanu baadhnay 40 ka mid ahi waxay siteen Dhukumanti  lagu socdaalo ama lagu gudbo, 5 qof oo dadkaas ka mid ahina  may haysan aqoonsi ama documenti lagu safro.  sidaa darteed ayaanu uga celinay  madaarka kadib  markii aanu ka waynay  wax dhukumanti sharci ah ah oo ay ugu kala safraan labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu taliyuhu fariin u diray  hay’adda socdaalka ee Soomaaliya, isagoo u soo jeediyay in ay ogaadaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay laba dal kala yihiin.
“Waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Somaaliya in aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo isku safra si sharci ah. Sidoo kale dadka ka yimaada Itoobiya ama dalalka kale wixii aan fiise sharci ah sidan ama ogolaasho waanu celinaa, waxaanu noola mid yahay dalka Somaaliya dalalka aanu jaarka nahay.” Ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Somaliland. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Waxaanu aaminsanahay haddaanu nahay Somaliland in cidii dalka soo gelaysa, goobaha sharciga ah ee laga soo dego dhukumanti sharci ah lagu soo galo, aqoonsi inuu qofkani yahay Somalilander ama ajaanib cadaynaya jinsiyadiisa, inuu Somaliland yahay, inuu Somaaliya yahay, inuu Itoobiyaan yahay iyo inuu Yemeni yahay. Waana  in qofku sitaa cadayntiisa dadnimo, haddaanu sidan anagu ama aamini karno wakhtigan si aanu u ilaalino amnigayaga qofkan wax cadaynaya, sidaa darteed ma ogolin in Jamhuuriyada Somaliland qof bilaa sharci ahi soo galo. Cumar Jaamac waxa laga qaaday Baasaboorkiisii Somalilanderka ahaa ka dibna waa la xidhay oo waxaanu kaga jawaabnay taasu ma jirto. Laakiin  annagu waxaanu dalkayaga ka celinay dad bilaa astaan ah oo Gaafow (Taliyaha laanta socdaalka) Soomaaliya ma cadaynayo in qofkani inuu yahay Somalilander ama Somaaliya, waayo dhukumanti ma haysto sharci ah markaa haddaanu Somaliland nahay wax sharci sita ama dhukumanti xaqiiq ah oo la taaban karo in naloola yimaado, laakiin, siyaasadayaduna waxay tahay waxaan Baasaboor sharci ah aan sidan in aanan soo daynin.” Ayuu yidhi Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf.
Taliyaha   oo warbaahintu waydiisay in dadka sita  Baasboorka Soomaaliya ay ka soo degi karaan madaarrada dalka, isaga oo su’aashaasi ka jawaabaya waxa uu intaas ku daray in Baasboorka Somaliland loogu safro dalalka kala duwan. Waxaanu  ku jawaabay “Safaarrada Itoobiyaanu ka qaadnaa fiisayaal oo Baasaboorka sharciga ah ee Somaliland baa lagu safraa, Abu Dhabi ayaa lagu tagaa oo meel kasta oo fiise lagu helaba Baasaboorka dalkani leeyahay ee Somaliland buu ku safraa, umana baahna Baasaboor kale. Baasaboorka Somaaliya waa lagu iman karaa madaarkaanan kaga reebayaa, laakiin waa inuu cadayan sitaa sharci ah oo ka Somaaliya waa lagu soo degi karaa, dalalka ajnabiga ah ayuu noola mid yahay.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply