Wuxuu U Dhintay Taladii Saaxiibadii

0
353

Mar walba talada lagu siiyaa Maaha mid wanaagsan, waxayna keeni kartaa dhimasho haddii ay khaldan tahay. Juan Manuel oo Mexsico u dhashay ayaa u dhintay talada ay siiyeen saaxiibadii oo ahayd talo khaldan.  Sida lagu daabacay Shebekad Ingriiska ee Mitro Juan Manuel ayay  saaxiibadii kula taliyeen inuu isku mudo saliidda cuntada si uu ugu weynaado xabadkiisu ama laabtiisu iyadoo qiimaha kaga baxaana hooseeyo, taasi oo ay u sheegeen inay ka caawinayso furasadaha uu ku guulaysan karo tartanada quruxda ee dalkaasi lagu qabto. Ninkan ayaa isla markiiba fuliyay taladii saaxiibadii laakiin nasiib daro si degdeg ayuu dareemay xanuun xoog badan.  Wakhtigaasi ayay Saaxibadii siiyeen dawo xanuun biiye ah ( Anti pain) iyagoo aan filayn in xaaladiisu halis tahay. Dawaadaasi ayaa ku keentay inuu xaalad miyir la’aan ah galo.
Wakhti danbe ayay Saaxiibadii dareemeen inay xaaladiisu halis tahay markii uu ka soo bixi waayay koomadii , waxayna u qaadeen isbitaalka halkaasi oo maalmo ka dib uu ku dhintay.

Leave a Reply