Yurub oo Isku mariwaayay Qaybsiga Muhaajiriinta

0
319

Dalalka Yurub ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaadhaan waxa ay ka yeelayaan kumannaanka magangelyo doonka ah, ee gaadhaya dalalka Talyaaniga iyo Giriiga.
Labada dal ayaa doonaya in dalalka Yurub ay aqbalaan qaar ka mid ah dadka magangelyo doonka, balse dalalka ku yaalla bariga Yurub, sida Poland iyo Hungry ayaa diidan in tiro go’an loo cayimo.
Gudoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan muhaajiriinta, Dimitris Avramopolous, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in hoggaamiyayaasha qaaradda, ee kulmaya todobaadka soo socda, ay arrinta xal u heli doonaan.
Yurub oo ay soo wajahday dhibaatada muhaajiriinta isku soo biimeyneysa badda Mediterranean-ka, ayaa maraakiib iyo diyaarado u dirtay baddaasi, si ay dadkaasi loo badbaadiyo.
Balse waxa laga yeelayo muhaajiriinta gaadhay xeebaha Yurub, ayaa hadda khilaaf ka dhex abuurtay dalalka qaaradda.
Wasiiradda arrimaha gudaha ee Midowga Yurub, ayaa ku heshiin waayay qorshe labada sano ee soo socota, ay dalalka qaaradda uga caawinayaan Talyaaniga iyo Giriiga, dib u dejinta 40,000 oo magangelyo doon ah.
Qorshaha ayaa wax weyn ka bedeli lahaa nidaamka hadda jira, oo ah in dalka ay kasoo degaan muhaajiriinta uu qaabilo.
 
 

Leave a Reply