Shacab ka Dacwooday Afti

0
357

Maamulka dhanka sharciga ugu sareeya ee dalka Giriiga ayaa bilaabay inay dhageystaan codsi ku saabsan loolan la gelinaayo sharci ahaanta aftida maalinta Axada la qabanaayo, taas oo la eegaayo inay waafaqsan tahay dastuurka dalkaasi.
Laba qof oo shacab ah oo kala madax bannaan, ayaa golahan weydiistey in la eego in ay sax tahay codeynta iyo inay carqaladeyneyso dustuurka Gariiga.
Qareeno ayaa ka doodaya arrintan oo labada dhinac kala maamulaaya.
Rania Antonopoulou oo xubin ka ah xisbiga talada haya ee Syriza, waxayna tahay wasiirka shaqaalaha, waxa ay sheegeysaa in dowladda ay raadineyso in codka dad weynaha ay ku taageerto kaalinteeda wadahadallada.
Maria Kanellopoulou waa weriye deggan magaalada Athens. Waxa ay BBC-da u sheegtay inay u codeyndoonto maya, ayna diideyso qorshayaasha kuwa deynta siiyay dalkaasi ay soo jeedinayaan.
Wasiirka dhaqaaalaha ee dalka Gariigga, Yannis Varoufakis, ayaa sheegay in aftida ay ku kala dooranayaan heshiis xun oo Xukuumadda Athens dhib ku ah AMA heshiis wax ku ool ah oo ay dib u kabasho ka heli karaan.
Ololaha arrinta ay dadka u codeynayaan ayaa maanta ku eg.
Taageerayaasha qorshaha deynbixinta, ayaa dhankooda wada inay qabtaan iso soo baxyo.
 
 

Leave a Reply