Wahadalada nukliyerka Iran oo heshiis ku dhow

0
431

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in kooxaha ka wadaxaajoonaya barnaamijka nukliyeerka Iran, ay aad ugu dhow yihiin heshiis ay gaaraan. Balse waxa uu ka digay in wadahadalada ay weli burburi karaan.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee lixda dal ee dunida ugu taagta roon, ayaa ku dadaalaya sidii heshiis looga gaari lahaa wadahadalada ka socda magaalada Vienna.
Mr Kerry ayaa hadalkan sheegay iyada oo ay maalin un ka haray waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in heshiis laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Iran.
Waxa uu sheegay in hormar dhab ah laga gaaray wadahadalada, balse kooxaha wadaxaajoonaya aanay isla meel dhigin qaar ka mid ah arrimaha ugu adag.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii go’aanno adag la qaato, ay suuragal tahay in heshiis la gaaro todobaadkan gudihiisa.
Kerry ayaa shaaciyay in madaxweyne Barack Obama, uu weli diyaar u yahay in uu wadahadalada ka baxo, waa haddii Iraaniyiinta aanay tanaasul sameynin.
Labada dhinacba waxa ay doonayaan in wadahadaladu guuleystaan, waxaana taasi Iran ay uga dhigantahay in cunaqabateynta laga qaado, halka dalalka la xaajoonaya ay ka faa’iidi doonaan, in Iran ay ka horjoogsadaan sameysashada qumbulada nukliyeerka.

Leave a Reply