Kulanka Midowga Yurub iyo Qorshaha laga Sugayo Girriiga

0
475

Dalalka ku wadajira  eurozone ayaa sheegaya in aaney   Greece soo gudbin wax qorshe ah oo cusub si loo badbaadiyo heshiiska deynta ka ho shirka ay u fadhiyaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ahi.
 
 
 
 
Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls, ayaa sheegay in dalkiisu uu u sameynayo wax kasta si Giriigga uu uga sii mid ahaado Midowga Yurub, sababtoo ah Yurub ma qaadan karto qatarta ka imaaneysa in Giriiggu uu ka baxo.
Mr. Valls oo la hadlayay Radio Faransiis ah ayaa sheegay inuu aamisan yahay, in waxyaabaha asaaska u ah heshiis ku saabsan in la xaliyo deymaha Giriigga uu jiro.
Madaxweynaha golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, oo isna aamisan jiritaanka waxyaabaha asaaska u ah heshiis, ayaa ku doodaya inay tahay in Giriiggu uu la yimaado qorshooyin maanta shirka deg degga ee hogaamiyayaasha Yurub.
Shirka ayaa lagu dhawaaqay kaddib markii ra’iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, uu ku guuleystay aftida qaran ee lagu diidayay qorshihii ugu dambeeyay ee lacagsiinta oo ay ku yabooheen kuwa deymaha siiya dalka.
 
 
Ka hor inta aanay dhicin aftida, hogaamiyayaasha Yurub ayaa Giriiga uga digayay in aftidaasi uu ku kala dooranayo kasii mid ahaanshaha dallada Euzone-ka iyo ka bixideeda.
In kasta oo dadka Giriiga ay MAYA u codeeyeen, ayaa haddana madaxda Faransiiska iyo Jarmalka waxa ay sheegeen in weli ay taagantahay fursada looga xaajoonayo deymaha Giriiga.
Kuwa deymaha ku leh Giriiga ayaa ka warsugaya qorshaha guntigiijiska ah ee ay soo bandhigi doonta xukuumadda Athens.
Waxaa laga dhursagayaa sida uu wadaxaajoodka u wajaho wasiirka cusub ee shalay loo magacaabay maaliyada Giriiga, Euclid Tsakalotos, kaasoo sheegay in uu ka walaacsan yahay halka uu xaalka marayo, balse dalkiisa uu mudan yahay si sidan dhaanta.
Waxaa jiro doona cadaadis ah in go’aan degdeg ah laga gaaro dhaqaalaha sii liicaya ee dalka Giriiga.
 
 

Leave a Reply