Beel Qaadatay Masuuliyadda Shaqaaqadii Guumays Dhinicii Kalena Baaq Nabadeed U Dirtay

0
454

Guumays(Dawan):- Garaad Jaamac Garaad Ismaciil Ducaale oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool,ayaa sheegay in ay beel ahaan qaateen masuuliyadda shaqaaqadii dhimasahda iyo dhaawaca geysatay  ee  todobaadkii hore ka dhacday Tuulada Guumays oo ay laba ruux ku dhinteen tiro kalena ku dhaawantay.
 
Waxaa kale oo uu Garaadku baaq  nabadeed u diray dhinicii kale ee ay shaqaaqadu dhex martay isagoo caddeeyay in falkaasi uu ahaa mid ay ka wada nexeen oo  shaydaan ka adeegay dad rabshad wadayaal ah oo aanay  cidina waxba la ogaynina ay gaysatay isla markaana ay dhankooda diyaar u yihiin in beesha ay walaalaha yihiin ee ay wax kala gaadheen in ay arrinta nabad iyo  wada hadal ku dhameeyaan.
 
‘’Waxaan ugu horeyn u tacsiyadeynaa intii ku dhimatey iyo intii ku dhaawacantay anigoo leh intii dhimatay ILLAAHAY  naxariistii jano ha ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna ALLE caafimaad taam ah ha siiyo, marka xigta waxaanu si aad ah uga xunahay falkii ka dhacay guumays ee nagu kala yimi beeshaa aanu walaalaha nahay ee aanu wiil iyo abtigii nahay ee ceel iyo carshinba wadaagno, waxaanu haddii aanu is waraysanay shir balaadhan oo laba maalmood qaatay aanu u isgaadhsiinay dhibka dhacay beel ahaan ku guddoonsanay inaanu qaadano nabad,inay walaalahayagu uu nagu kala yimid falkaa aan laga fiirsani nala qaataan nabada, anaga oo garyigilka ah wixii dhacay inaanu gogol nabadeed isugu nimaadno walaalahayo,inaanu ka xaajo qaadano, inaanu idamka ILLAAHAY  ma nihin dad kala maarmayee aanu ka heshiino.’’ Ayuu yiri garaadku
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply