Jasiirada Landman: Dadku waa sidii Xayawaan Xero lagu hayo

0
430

Ixtiraamka sharfta adamiga ah aya ah xuquuq ay tahay in la ilaaliyo. Haddana waxa jira mar kasta dad ku xadgudbaya iyagoo taasi uga jeeda inay ku helaan dhaqaale.
 
.Jasiirdda Landman waxay u dhaxaysa Hindiya iyo Barma laakiin waxa xukuma dalka Hindiya. Wa jasiirad ka go’an dunida inteeda kale oo dadka degani ay u nool yihiin sida noloshii bilowga ahayd. Tirada dadka ku nool aya gadhayaa 403 qof.
Dalxiisayaasha aya lacag badan lagaga qaada daawashada dadkan. Waxana ku samaysan boodhadh goobaha laga galo jasiirada kuwaasi oo ay ku qoran tahay “ lama ogola in sawiro laga qaado dadka jasiiradda”. Dadka Jasiiradan ku nool ayaa ah kuwo aan dhar xidhnayn marka laga reebo inta cawrada ah oo keliya. Dadka jasiiradda aya u nool sidii noloshii bilowga ahayd. Waxaana dawladdu ula dhaqantaa sidii xayawaan lagu hayo beer oo dadku usoo daawasho taagan. Dadka yimaadda ayaa dadkaasi yasa oo ku tuura diirka Muuska ay cunaan iyagoo dadkaasina aan is difaacayn. Qofka jasiiraddan tagaa mararka qaarkood wuxu uu qaadanayaa inay dadkani yihiin kuwo waalan. Dawladduna waxay ka eegata dhinac dhaqaalaha ka soo gelaya dalxiiska dadkan loogu imanayo.

Leave a Reply