Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 20-aad

0
392

Sicir-bararka uu Zaad leeyahay waxan innagaga filan farrimaha khasabka ay innagaga dhigtay shirkadda Telesom ee ay ugu dembaysat tii xalay fiidkii ay inoo soo wada direen ee odhanaysa “Zaad service wuxu kuugu bushaaraynayaa in xaqal-ciidka dibedda lagaga soo dirayaa uu si toos ah kuugu soo dhacayo Zaad-kaaga, fadlan la socodsii ehelkaagii dibedda ku maqan oo Zaad-kaaga ku hel xawaaladdaada goor kasta iyo goob kasta
 
Baaqan fariinta ah ee Telesom u kala direen dhamaan dadka isticmaala jibka ay ka iibsadeen dadweynuhu, waxa ay qirayaan in lacagtii adkayd ee dalka soo geli lahayd, lagu qaatay dibedda , inagana lambarro la inoogu beddelay si aan wax ugu kala iibsano.
Hadda weliba ogow oo  iyagu waa kuwa sida khasabka ee aan sharicga  iyo diinta midna waafaqsanayn uga shaqeystay mobile-ada gacanta ee ay iskood u leeyihiin dadku ee xaqa looga lahaa inay uga fasax qaataan cida iska leh, balse  ay fariimaha ku soo direen iyagoo aan ina weydiisan in aan raali ka nahay iyo   in kale inay adeegaa farriinta ku isticmaalaan MOOBILLADEENA AAN LACAGTA KALA BAXNAY EE HADDA YEDKEENA AH, waxase ka awood badan oo kala xisaabtami doona xaq darradan ALLAH oo isagu  iska leh koonkan maamulkiisa.
Haddaan dib ugu soo noqdo mawduuceena maanta ee ah fariinta Telesom dadka reer Somaliland ugu sheegayeen in qof kasta oo dalka gudihiisa ku sugan uu ehelkiisa qurba jooga ka dalbado inuu lacagta kaashka ah ee adag uu wakiillada Telesom ku  wareejiyo, si ay iyagu markaaba ugu soo shubaan mobilkiisa si uu isna wax allaale wuxu doono kaga iibsado    Somaliland gudaheeda, balse xadka Wajaale hadduu uga gudbo dhinca Itoobiya aanu koob shaah kaga cabbi Karin meheradaha ku yaal oo dhan.
Taasi waxay inoo muujinaysaa in lacagta la sheegay in laguugu soo shubay telefoonkaaga gacanta  tahay mid faalso ah oo aan lahayn meel raadkeeda loo raaco xataa Somaliland gudaheeda, maadaama aanay wax damaanad ah oo laga hayaa jirin xataa warqad cad oo la saxeexayna dhahow. Ta kale haddii lacagtaa xawaaladaha ka furan dhinaca itoobiya lagu soo shubi lahaa ama baanankeeda la soo dhigi lahaa, kama qatanaadeen lacagtii loo soo diray.
Lacagaha laga soo diro dibedda intii ka horraysay isticmaalka lacagta loo beddelay lambarada ee Telesom, waxa ay si toos ah ugu soo dhici jirtay oo loogu soo gudbin jiray dadkeena xawaaladaha lacagta ee dalka gudihiisa ka hawlgala  halkaas oo ay dadkuna si toos ah uga soo qaadan jireen lacagtii adkayd oo dollar, taasoo uu la geli jiray seyladaha, kagana iibsan jiray hadba wuxu doono, baaqi wixii u soo hadhana iyadoo kaash ah ayuu qofku keydsan jiray.
Markaan dib u dhugano waqtiyadaa xawaaladaha la soo dhigi jiray lacagaha dibedda laga soo diro ee adag, waxa  ay lacagtaasi mar walba hoos u dhigi jirtay qiimaha dollarka. Marka uu qiimihiisu cirka isku shareerana muu dhaafi jirin halka dollar inta u dhaxaysa 5000 – 5700 Shs. SL (shan kun ilaa shan iyo toddoba boqol oo shillinka Somaliland) ah, hase ahaatee  soo if bixii isticmaalka Zaad-ka, qiime sare u sii socoda mooyee lama arag qiime hoos u dega.
Qiime dhacaa shillinka Somaliand ee uu abuuray adeegga isticmaalka lacagta ee telefoonnada gacanta loo adeegsadaa, waxa ay sababtay in maciishadihii daruuriga ahaana uu qiimahoodii kor u sii socdo ilaa ay ka gaadheen heer aanay dadka dan-yarta  ahi goyn Karin.
Haddaba, iyadoo dadkeena ay horeba uga mid ahaayeen dadka ugu saboolsan dunida, ayaa waxa uu adeeggan cusub ee “mobile-money” loo yaqaanaana uu ku sii labanlaabay saboolnimadii, ka dib markay shirkadda Telesom oo ah tan looga isticmaalka badan yahay xagga isgaadhsiinta ku xeraysatay khasnado dibedda ah dhammaan inteeda badan lacagtii adkayd ee dalka dibedda ka soo galaysay ama uu ka soo gashay xoolaha nool.
Baanka Dhexe  ee JSL oo ah ka lahaa awoodda wax ka qabasho ee arrintan, ayaa isagiina afka ka xidhay, gacmahana ka laabtay dhinaca wax ka qabashada, taasoo iyana ah mid uu saaran yahay calaamatul-su’aal masuuliyiinta Baanka Dhexe.
LA SOCO……………………………………………..

Leave a Reply