Ciidammadda Nabad-gelyadda Oo U Diyaar Garoobay Inay Tallaabo Ka Qaadaan Haddii Mucaaridku Isku Dayaan Inay Qabtaan Shir Lagu Mijo-xaabinayo Qaranimadda Dalka

0
291

Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo taliska guud ee ciidanka Booliska ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin ay ku xoojinayaan ammaanka dalka iyo in ay ka hor tegayaan cid kasta oo isku dayda in ay nabad gelyada carqaladeeyaan.
 
Waxaa kale oo ay Baaq   u direen mulkiilayaasha Huteelada iyo hoolalka lagu shiro oo ay uga digeen in xarumahooda  lagu qabto shirar aan sharci ahayn oo  nabad gelyada dalka lagu waxyeelaynayo.
 
Wasiir ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda daakhiliga   Axmed Faarax Cadarre iyo Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo wada jir uga hadlay kulan ay isugu yimaadeen  saraakiisha ugu sarraysa booliska Somaliland  oo lagagana wada hadlayay adkaynta nabad gelyada oo shalay galab lagu qabtay xarunta taliska ciidammadda Booliska.
 
 
Wasiir Cadarre maamulka Goboladda Axmed Faarax Cadarre oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo  ciidanka booliska in uu xil ka saaran yahay nabad gelyada isla markaana ay waajib ku tahay in ay nabad gelyadooda ilaaliyaan mucaarid iyo muxaafidba si ay waajibaadkaa nabad gelyo ee saaran ay u gutaanna  ay  uga digayaan cid kasta oo isku dayda in ay nabad gelyada waxyeelayso in tallaabo sharci ah  ka qaadi doonaan.
 
“Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo ciidanka boolisku waxay u abuuran yihiin oo xil ka saaran yahay isla markaana  waajibkoogu yahay in ay ammaankooda ilaaliyaan mucaarid iyo muxaafidba  labadaba xil baa naga saaran nabad-gelyadooda oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo booliska ayaa ilaaliya. Hadaba waxaan ganacsatada leh hudheelada  iyo hoolalka lagu shiro waxaan uga digayaa in lagu qabto shirar aan sharci ahayn oo nabad-gelyada wax loogu dhimayo.cidii hoolkeeda lagu qabto shir aan sharci ahayn oo nabad gelyada lagu wax yeelaynayana waxaan u sheegaynaa in ay masuuliyadeeda qaadi doonto,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenku.
 
Wasiir Cadarre waxaa kale oo uu farriin u diray xisbiyada mucaaridka oo uu ku booriyay  in ay sharciga ku dhaqmaan isla markaana dadka barnaamijyo siyaasadeed u soo gudbiyaan oo aanay ku war wareegin wax aan shuruucda dalku banaynayn.
 
“Waxaynu ku caano maalay oo aynu ku dhaqan nahay halkaana ku soo gaadhnay waa nabad gelyadda waxaynu gaadhnay, kuna dhaqanaa dimuquraadiyad iyo in farta  la isku bedelo oo dadweynuhu codeeyaan. Mucaaridka waxaan leeyahay  xisbiyada tartamayaasha shacabku way bislaadeen waxaan u qabanaysaan u soo bandhiga Tv-da  ka dooda.  badda ayaan malab ka dhigayaa  yidhaahda. tartanku waa xalaal.   laakiin wax kasta oo nimcada aynu haysano innaga daadinaya ha laga  fogaado waaad ogtihiin mandaqada innagu xeeran waxa ka socda markaa ilaashada amnigiina   wax shir ah oo la qaban karaana ma jirto,”ayuu doodiisa ku soo gunaanaday  Wasiirku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha guduhu.
Taliyaha booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo isna goobtaas ka hadlay ayaa    shacabka ku ammaanay sida wanaagsan ee ay booliska uga gacan siiyaan  arrimaha nabad gelyada isagoo intaa raaciyay  in ay si adag uga hortegi doonaan wax kasta oo carqalad ku ah nabad gelyadda.
 
“Kulankan aanu iskugu nimi wuxuu ka mid yahay shaqo maalmeedkayaga caadiga ah ee aanu dalka u hayno, waxaanan sii dardar gelinaynaa adkaynta nabad-gelyada guud ahaan dalka oo dhan iyo waliba ka caasimadda Hargeysa. Waxaanu u idman nahay oo aanu   nahay boolis in aanu ka shaqayno nabad-gelyada maantana nabad gelyda dalku aad ayay u wanaagsan tahay shacbiga reer Somaliland ee wanaagsaanna waxaan ku ammaanayaa sida ay ula shaqeeyaan booliska ee ay ugu gacan siiyaan nabad gelyada,”Ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
 
 
Taliyaha booliska oo ka hadlayay tallaabooyinka ay nabad gelyada dalka ku sii adkaynayaan ayaa farriin u diray cid kasta oo isku dayda in ay ammaanka qaranka waxyeelayso taasoo uu sheegay in ay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan in ay ka qaadi doonaan, waxaanu yidhi  “Waxaan u sheegayaa cid kasta  oo isku dayda in ay nabad-gelyada sifo sharci darro ah ku waxyeelayso in  aanu tallaabo sharci ah oo adag ka qaadi  doono iyadoo ay ciidanka boolisku diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan isla markaana gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo  isku dayda in ay ku kacdo falal nabad gelyo darro in ay  dalka ka abuurto.”
By: Faysal Af-gaab
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply