Xisbiyada Mucaaridka Oo Muddeeyay Shir Beeleed Sharci Darro ah Oo Lagu Mijo Xaabinayo Dawladnimadda Somaliland

0
297

Hargeysa (Dawan)- Labada xisbi mucaarad ee WADDANI  iyo UCID iyo kooxda sharci darrada ah ee la magac-baxday Madasha wadda tashiga ayaa ku muddeeyay  in ay qabanayaan shir beeleed  lagu dhaawacayo qaranimadda Somaliland Isla markaana sharci darro ah oo baalmarsan dastuurka dalka  u yaalla.
 
Labada xisbi mucaarad iyo kooxda sharci darrada ee madasha wadda tashiga oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in 23 bishan aynu ku jirno ay qaban doonaan shir qaran oo ay kaga tashanayaan xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madxweyne Siilaanyo.
 
Murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxaan, waxaanu iclaamiyay shirka qayrul-dastuuriga ah ee ay ku baaqeen axsaabta mucaaridka ah iyo kooxda aan sharciyada haysan ee lagu magacaabo Madasha, isaga oo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta oo Salaasa ah, waxaa shir isugu yimid isbahaysiga mucaaradka Somliland oo ah xisbiyada UCID, WADDANI  iyo madasha wadda tashiga, waxaana shirkaa ka soo baxay in la qabto shirka wadda tashiga mucaarIdka oo aanu u arragno in uu yahay shir qaran, maadaama oo aanu nahay axsaabtii qaranka waxa la isla gartay ergooyinka shirka shirgudoonka iyo ajandaha shirka. shirku waxa uu qabsoomi doonaa 23  illaa 26 bisha toddobaad ee aynu ku jirno 2015.”
 
Cabdirashiid Xasan Mataan waxa kale oo uu ka been sheegay heshiiskii ay xukuumadda iyo saddexda xisbi ka wadda gaadheen arrimaha doorashooyinka waxaana uu yidhi “Maadaama oo xukuumaddu ku fashilantay qabashada doorashada ee aan dhaafin wakhtigii dastuurku u cayimay oo ku eeg 27 bisha July 2015, waxaanu qabanaynaa shir, maadaama oo ay xukuumaddu ka baxday heshiiskii ay la gashay axsaabta qaranka si doorashooyin innoogu qabsoomaan.”
 
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi C/raxmaan Cirro oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu iska indho tiray  haykalka dawladnimo ee dalka ka jira oo uu ku tilmaamay inay tahay mid walaac laga qabo, waxaana uu yidhi “maadaama oo ay muuqato in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn inay doorasho qabato oo muddo xileedkeedu gabaabsi yahay, wadankana ka jirto walwal badan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalle, sidaa daraadeed waxa ay noogu muuqatay in loo baahan yahay tallo ummadeed in la helo.”
 
Guddoomiyaha kooxda sharci darada ah ee madasha  wada tashiga la baxday Xasan Guure Jaamac, ayaa isaguna sheegay in shirkan ay qabanayaan aanay jirin cid is hortaagi doontaa waxaana uu yidhi “Shirku wuu qabsoomayaa haddii ay neceb tahay iyo haddii ay jeceshahayba xukuumaddu, haddii ay cududi timaado Maxamed Siyaasad Barre cududiisii ayaa socon wayday, ciddii taa qabtaana candhuufteeda dib ha u liqdo.”
 
Dhawaaqan ka soo yeedhay labadan xisbi mucaaridka iyo kooxda sharci-darrada ah ee madasha ayaa ka dambeeyay kadib markii shacbiga reer Somaliland ay wax taageero ah ka waayeen iska markaan ay dhabarka u soo jeediyeen dhawaaqyadooda, waxaana ay hadda ku hawlan yihiin dhaqdhaqaaqyo gacan ku rimis ah oo ay doonayaan in ay wax ku yeeleeyaan nabadgelyada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland.
By. Khadar M. Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply