Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wasiirka Xidhiidhka Horumarinta Caalamiga ah Ee Ingiriiska

0
387

 Heshiis Ingiriisku Ku Kor Ugu Qaadayo  Kaalmadda uu Siiyo Somaliland Oo Mashaariic Cusubi Ku Jiraan Oo Lagu Kala Saxeexday Hargeysa

 

“Waxa Aanu Wasiirka Kala Hadlay Sidii Ingiriisku U Soo Dhex Geli Lahaayeen  Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya oo ay Bilaabeen” Wasiirka Khaarajiga

By: Yoonis M. Jaamac

 

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah  Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Addis-ababa. danjire. Harriet Mathews, kuwaasi oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

Kulankaasi ka dib waxa madaxtooyadda lagu kala saxeexday heshiis ay wada gaadheen labada dawladood ee Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay sidii loo sii balaadhin lahaa kaalmadda dhaqaalle ee dawladda Ingiriisku siiso sanduuqa horumarinta Somaliland(SDF). Heshiiskaasi oo ay kala saxeexdeen Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah  Grant Shapps, waxa kale oo ku jira mashaariic cusub oo la xidhiidha dhinacyadda Biyaha, Tamarta iyo laydhka oo laga maal-gelin doono sanduuqa horumarinta Somaliland.

ingiriis 3

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay weftiga Ingiriiska ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal. “Waxa maanta(shalay) farxad weyn noo ah Annaga oo Madaxtooyadda  ku soo dhawaynay Wasiirka horumarinta caalamiga ah u qaabilsan dawladda  Shapps iyo weftiga balaadhan ee la socday ee ka socda dowlada Ingiriiska oo la shiray Madaxweynaha Somaliland oo ku soo dhaweeyay xafiiskiisa. Waxaanu  ka wada hadalnay arrimo labada dal khuseeya, sidaad la socotaan labada wadan waxay leeyihiin xidhiidh saaxiibtinimo oo dheer oo taariikhiya, waxtar bandanna way ina siiyaan  haddii aanu  nahay Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

 

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu intaasi ku daray inay Wasiirka ka socday Ingiriiska kala hadleen sidii dawladiisu ay u dhex-geli lahayd wada hadalladii u socday Somaliland Iyo Soomaaliya iyo inay sii wadaan taageeradooda sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu yidhi “Markaa arrimaha aanu maanta ka wada hadlaynay waxa ka mid ahaa mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland iyo mashaariicda faraha badan ee ay dowladda Ingiriisku  ina siiso, waxaan kale oo ka wada hadalnay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo ay qeyb ka noqdaan wadamada Ingiriiska iyo kuwa caalamkuba  ay noo dhex-gali lahaayeen.”

Wasiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Grant Shapps, ayaa isna sheegay inuu ka mahad celinayo soo dhawaynta loo sameeyay iyo kulanka madaxweynaha. Waxa uu sheegay inay arrimo door ah isla lafo gureen, kuna dhammaadeen is af garad iyo midho dhal.

Waxa uu sheegay in arrimaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen ganacsiga iyo ammaanka oo dan u ah labada dal.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Leave a Reply