Guddoomiye Cirro Oo Aflagaadeeyay Warbaahinta Madaxa Banaan

0
409

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si qaawan oo ka baxsan milgaha siyaasada u weeraray warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha dalka.
Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyay maalintii Isniin shirkii fashilmay ee xisbiyadda mucaaridka oo aan wax go’aamo ah laga soo saarin ayaa kula soo galgashay warbaahinta fadeexadii  ka raacday xisbiyadda mucaaridka ah shirkaas oo uu hadheeyay buuq iyo sawaxan, taas oo laysku khilaafay ajandaha lagaga hadlayo shirkaas.
Guddoomiye Cirro  waxa uu warbaahinta iyo suxufiyiinta reer Somaliland ku masaalay  basaasiin,  waxaanu  yidhi “Waxa igu maqaalo ah saxaafaddu inay basaasiin leedahay, maan moodi jirine’ qolo saaka (shalay) nala joogtay oo basaasiin ahayd waxa ay yidhaahdeen shirkii waa lagu kala tagay.iyadoo wali shirkii socdo oo aynu fadhinno.”
Guddoomiye Cirro waxa uu isku dayaa inuu samaysto warbaahin xisbigiisa taageerta, iyadoo shirkii jaraa’id ee madaxweynuhu qabtay Axadii toddobaadkan uu kaga jawaabay wax ka yar soddon daqiiqadood ka dib markii codkii madaxweynaha oo aan meelna ka bixin ay u geeyeen warbaahinta taabacsan xisbiga WADDANI.

Leave a Reply