Injiineerka Dawladda Hoose Oo Waramay Nidaamka Cusub Ee Wado-marista Caasimadda

0
389

By: Yoonis M. Jaamac
 
Hargeysa (DAWAN): Eng. C/Khadar Cabdilaahi Cali,  oo ka mid ah Ingineerka dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa  ayaa faahfaain ka bixiyay sababta keentay in  markale la kala bedelay wadooyinka  marra badhtamaha   Hargaysa.
 
Waxaanu  timaamay in qorshani la keenay kadib  markii  ay soo bateen  Shilalka gaadiidku, sidaas darteeda is-bedelkani danbe ay u jeedadiisu tahay in  iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa  shilalkaasi   iyo cidhiidhiga baabuurta.
Eng. C/Khadar Cabdilaahi Cali,  oo shalay  u  waramay  DAWAN, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Wadooyinka caasimada waxa mar kale loo bedelay ama  la isku waydaariyay, kadib markii shilalku bateen iyo gurac dhaliyay jaho-wareerka, hadda  waxaa golaha degaanka caasimada Hargaysa isla qaatay fadhi ay yeesheen kadib in wadada koowaad ee caasimada gaadiidku u socdo dhinaca Barri halka wadadda  labaad-na gaadiidku u soconayo dhanka  Galbeedka.
 
Tusaale  ahaan baabuurka ka yimaadda  Gabiley,  wuxuu si toos ah u marayaa wadadda koowaad,  oo uu soo hormarayo aqolka madaxtooyada Somaliland.  Kuwa  wada Berbera ka imanayaana  waxay marayaan wadadda labaad ee  daba-marta  cisbitaalka guud ee Hargaysa”.
 
 
Eng; Cabdikhadar, waxa cadeeyay in dowlad hoose ahaan ku rajo weyn yihiin in habkan dambe isku bdalka dariiqayada caasimada lagu sameeyay ka sah la naandoono xagga cidhiidhiga iyo shilalka gaadiidka habki hore waxaanu yidhi
Sidoo kale Eng. C/khaddar waxa uu sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan ku rejo weyn yihiin in habkan cusub ee isku bedelka lau sameeyay jidadka waaweyn ee caasimadda in ay wx badan ka tari doonto yaraaynta shilalka baaburta iyo cidiidhiga wadooyinka.
Waxaanu  tilmaamay in ka hor intii aan la hirgelinin nidaamkan cusub ee la isugu bedelay wadooyinka in la sameeyay   wacyigalin ku aadan sidii bulshada loo ogaysiin lahaa nidaamka cusub ee isku bedelka wadooyinka.
 
“U jeedada markii hore looga dhigay wadooyinka caasimada kuwo furan (one way) ah, iyo bedelkan dambeba waxay tahay sidii loo yarayn lahaa cidhiidhiga ka jira daqriiqyadda caasimada.
Ka hor  intii aan la dhaqan gelin habkan cusub,  waxaa la sameeyay wacyigelin badan  oo laga sii daayay idaacada Radio  Hargaysa,  wargeysyadda  lagu  baahiyay sidii bulshadu u  ogaan lahayd sharcigan cusub ee lagu sameeyay wadooyinka hal-bawlaha caasimadda. Sidda  dariiqa koowaad  iyo ka balaad”  ayuu  yidhi Injineer C/khaddar.

Leave a Reply