SHAKHSIYADDA TODDOBAADKA: SHAAHII IIRAAN

0
436

Shaahii  Iiraan oo magaciisa rasmiga ahi ahaa Mohamad Ridaa Bahlawi, ayaa waxa uu ahaa Shaahii ama boqorkii ugu dembeeyey ee ka taliya dalkaa, kadib markay afgembiyeen Kacaankii Islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayey Aayatullah Ruuxullah Khumeyni  11 Feb,1979-kii. Shaahii Iiraan kaalinta uu  kaga jiray Boqortooyadii Iiraan oo kaalinta labaad ahayd, ayaa waxa uu noqday oo kale kii ugu dembeeyey ee aqalkii  boqortooyadii  ee Shaah Bahlawi.
Dalka Iiraan ayaa laga soo bilaabo Cahdigii gumeysiga ahaa ee Faarsiinta oo ku beegnayd waqtigii uu Cyrus-kii  awoodda badnaa qabtay talada dalkaa uu bilaabay inuu ka tirtiro hab-dhaqankii  dhinaca taariikhda ee lagaga dhaqmi jiray dalka Iiraan oo ahayd taariikhda Hijriyada, ku beddelay ta Faarisiyiinta[ Shiicada] oo haatan sida lagu xusay taariikhaha ay kasoo wareegeen 2,500[ laba kun iyo shan boqol oo sanno]
Ujeeddada hoggaamiyahani waxay ahayd inuu dalka Iiraan gees walba isbeddel  kaga sameeyo, hadday yihiin dhinacyada dhaqaalaha , bulshada iyo siyaasadda oo uu iyana si gaar ah liishaanka u saaray isagoo yoolkiisu ahaa inuu Iiraan gaadhsiiyo xaga awoodda kaalinta ay ku leeyihiin caalamka quwadaha waaweyn ee xilliyadaa ku amar ku-taaglayn jiray talada siyaasadda adduunka. Sidoo kale waxa uu sameeyey qorshe lagu dhallan rogayo oo lagu casriyeynayo hannaanka dawladnimo iyo in lala wareego Wershadaha qaarkood , haweenkana laga  siiyo doorka ay ku leeyihiin dawladda.
 
Waxa uu ku dhashay Shaahii Iiraan magaalada Tahraan sannadkii 1919kii, waxaanu ahaa  mataan ay mar wada dhasheen gabadh la odhan jiray Ashraf. Tirada carruurta ay walaalaha ahaayeen waxay ahaayeen kow iyo toban,isaga iyo gabadha ay mataanaha ahaayeen waxay ku jireen da’da saddexaad. Aabbihii  waxa uu had iyo goor ku tilmaami jiray in wiilkiisu yahay mid amran oo, isla markii uu u dhashay loogu bishaareeyey wixii uu ugu jeclaa ee ay dhegihiisu maqlaan. Waxa waqtiyadaa xoog  kaga qabsaday dalka Boqortooyadii Ingiriiska iyo Midowgii Soofyeeti.
Waxbarashadiisii ayaa isagoo 11 jir uu u diray Aabbihii dugsi ah kuwa lagu hayo carruurta oo ku yaalay dalka SWISS  oo la odhan jiray [ Institut Le Rosey], waxanu noqday amiirkii u horreeyey ee loo diro dalka dibeddiisa si uu wax ugu soo barto. Muddo afar sanno ah oo waxbarasho ah ayuu ugu maqnaa dalkaa, isagoo dib ugu soo laabtay Iiraan 1937kii. Laga bilaabo soo laabashadiisii waxa si toos ah loogu diray Akaademiyo Millateri oo bqortooyadu lahayd oo ku taalay dalka gudihiisa, halkaas oo uu ku jiray 1938kii.
Aabbihii Ridaa Bahlawi ayaa waxay isbahaysigii ugu bishaareeyeen in aanay si kama demaysay ah uga qaadayn xukunka, haseahaatee Dawladdii Boqortooyada Ingiriiska, ayaa soo jeedisay in isbeddel xaga talada hoggaaminta ee dalka Iiraan loo baahan yahay, iyadoo uu Ingiriisku taa mar walba saldhig uga dhigayey in lagama maarmaan ay tahay, in xukunka dalkaa gacanta loo geliyo hoggaamiye leh dareen bani’aadaminimo oo la jaan-qaada ilbaxnimada adduunka, taasoo uu ku guuleystay Ingiriisku aakhirkii, kadib markay taladii Iiraan u caleemo saareen wiilkii uu dhalay Shaahii Rida 1941kii, waxanu Caleemo saarkii u dhacay si wacan, kadib markii Aabbihii looga wareejiyey si rasmi ah kursigii Boqortooyada ee dalka Iiraan sannadkii  1941kii.
Isla sannadkaa 19kii Sep,1941kii ayaa wiilkii yaraa ee kursiga Aabbihii looga riixay uu u fidiyey cafis guud dhammaan dadkii xagga Siyaasadda awgeed uga baxsaday dalka
LA    SOCO ……………………

Leave a Reply