Haweenay Jarmal Ah Oo Samaysay Gacan Macmal ah

0
420

Khubaro caafimaad oo u dhalatay wadanka Jarmalka ayaa dhowaan sameeyey gacan Artifial ah, taas oo lagu bedelaayo gacmaha caaga ah ee aan dhaqaaqa lahayn, waxaanay gacantani ku shaqaynaysaa waayiro, waxa keliyaata ee ay u baahan tahay ayaa ah in la jaajar gareeyo,taas oo suurtogelinaysa inay kala bixi karto sidoo kalena isku soo noqon karto sida gacanta caadiga ah.
Gacantan waxa qaabeeyey koox ka socotay jaamacadda Saarland University,waxaanay ka sameeyeen waxyaalo caagag iyo biro isugu jira,kuwaas oo saddex qaab leh ama waxa loo yaqaano 3 Dimensional ,waxaana loo sameeyey waxyaalo loo sameeyey siyaabaha muruqyada oo kale,kuwaas oo laga sameeyey waxyalo yar yar oo ka kooban Nickel iyo Titanium,kuwaas oo aan ka adkayn kana buurayn timaha dadka.
Stefan Silke oo ah macalimad dhigta jaamacaddaasi ayaa ahayd qofkii lahaa fikirkan,iyada oo ka hadashay sida ay fikirkan ku keenay iyo siday u hirgeliyeen,waxaanay sheegtay in qalabkan Technology-gu yahay mid u saamaxaaya waxyaalo kala duwan oo badan,taas oo haddii sida wanaagsan looga faa’idaysto keenaysa in la helo wax dadka faa’ido u leh.
Khubaradan ayaa sameeyey tijaabo iyaga oo u geliyey nin kamida dadka gacanta la ee dhigta jaamacaddaasi,kaas oo la doonaayo inuu ku jiro tijaabadaasi muddo toddobaad ah,wixii intaas ka dambeeyana waxay sheegeen khubaradani inay suuqa soo gelin doonaan,iyaga oo marinaaya tijaabooyin laba ah oo kala duwan.
 
 
 
 

Leave a Reply