Email-ada Clinton oo la Baadhayo

0
525

Afhayeen u hadlay musharaxa madaxweynaha xisbiga madaxweynaha ee xisbiga dimuqraadiga Hillary Clinton, ayaa shaaca ka qaaday inay waaxda caddaaladda Mareykanka ku wareejineyso keydka emailadeeda gaarka ah.

Clinton, ayaa waxaa cadaadis ku hayey dhowaanahan sharci dejiyayaasha xisbiga Jamhuuriga, si ay u ogolaato in baadhitaan lagu sameeyo email-keeda shaqsiga ah, oo ay u adeegsan jirtay howlaha waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, intiii ay haysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibedda.

Clinton ayaa sheegtay inay ku wareejineyso waaxda cadaaladda ku dhowaan 55,000 oo bog oo emailo ah, waxayna u ogolaatay Waaxda inay shacabka u bandhigto haddii ay doonto.

FBI-da ayaa baadhitaan ku billowday email-ada Clinton kadib markii dambi baadhaha ugu sarreeya sirdoonka Mareykanka uu shaaca ka qaaday inay jiraan ugu yaraan afar email oo la tuhunsan yahay inay yihiin “Top Secret” oo ay Clinton ka dirtay email-keeda shaqsiga.

Leave a Reply