Rabshado kale ayaa habeenkii salaasada ka dhacay magaalada Ferguson, Gobolka Missouri ee dalkan Mareykanka, maalin ka dib markii dibad- bax lagu xusayay sanad ka dib dilkii Michael Brown, uu ku dhamaaday israsaaseyn iyo dhaawac halis ah oo soo gaadhay wiil kale oo dhalinyara ah oo Madow ah.
Wariyaha VOAda Kane Farabaugh, oo ku suggan magaaladan Ferguson, ayaa ku soo waramaya in Biliisku ay xidheen ugu yaraan laba qof ka dib iska horimaad dhex maray dad dibadbax dhigayay oo doonayay inay isugu soo ururaan bartamaha isgoys cidhiidhi badan iyo booliska oo halkaa u tagay si ay u kala eryaan.
Wariye Filim qaade ah oo ka tirsan wakaaladda Wararka ee Associated Press oo ku dhex jiray dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaadhay suntii ay boolisku dadka ku kala eryayeen.
Saraakiisha deegaanka St. Louis ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.