Talyaaniga oo Badbaadiyay Doon sii Degaysay

0
344

Ciidamada Badda ee talyaaniga ayaa sameeyay hawlgal lagu badbaadinayo konton iyo laba tahriibayaal oo doon ay kula gadoomi lahayd badda meditarraniyanka, laakiin konton kale oo qof ayaa maqan.
Qalabka markabka ee dadka lagu badbaadiyo ayaa gaadhay kala badh dadka saaran doonta. Laba qof oo kale ayaa helikobtar lagu gaadhay kadib markii la arkay iyagoo doon la sabaynaya.
Dadka badbaaday ayaa sheegay in boqol qof ay saarnaayeen doon gadoomaysay.
Dhinaca kale, tahriibayaal badan ayaa imanaya jasiirada Gariiga ee Kos.
Salaasadii rabshado ayaa dhacay, mar uu boliiska xoog isticmaalay si uu u dajiyo dad tahriibayaal ah oo cadhaysan oo lagala daahay in laga diiwaan galiyo jasiirada Kos si ay uga sii gudbaan.
Jasiirada oo caan ku ah dalxiisayaasha ayaa waxay qaadi la’dahay 7000 oo qof oo yimid bishii July, waxayna seexanayeen jidadka iyo xeebaha agtooda xaalad aad u xun.
Duqa magaalada Kos Giorgos Kiritsis ayaa ka digay in “xaalada ay faraha ka baxday. Waxay khatar ugu jirtaa in uu dhiig daato.”
Hayadda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 124,000 tahriibayaal iyo qaxooti ay soo gaadheen Gariiga sanadkan.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa ku qiyaasaysa in kabadan 100, 000 oo tahriibayaal iyo qaxooti inay isku dayeen inay imaadaan Talyaaniga sanadkan.
Ciidamada bada ee Talyaaniga ayaa xidhiidhiyay hawl lagu badbaadinayay 1,700 oo qof oo saarnaa toddobo doon salaasadii.
 

Leave a Reply