Mareykanka oo Baadhaya in Daacish ay haysato Hub Kiimikaal ah

0
298

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay baadheyso warka ku saabsan in mintidiinta Daacish ay isticmaaleen hub kiimikaal ah, intii lagu guda jiray weerar ay toddobaadkan ku qaadeen dagaalyahannada Kurdiyiinta, sida ay ku warrameen saraakiil Jarmal ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga Germany, oo tababar siineysa Kurdiyiinta, ayaa sheegtay in 60 ka mid ah dagaalyahannada Peshmerga ay asiibeen dhaawacyo u muuqda inay ka qaadeen sunta Kiimikada, intii ay la dagalamayeen Daacish, maalintii Arbacada ahayd.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, Alistair Baskey ayaa khamiistii sheegay in xukuumadda Washington ay raadineyso xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka. “Waxaanu sii wadi doonnaa in aynu tuhunnadan ku saabsan adeegsiga hub Kiimikaal ah aan si dhab ah u qaadanno” ayuu yidhi.
Safiirka Mareykanka ee QM, Samantha Power ayaa sheegtay in dowladdeeda ay eegeyso eedeymahan. Saraakiil ka mid ah xukuumadda Washington ayaa iyaguna ku warramay inay aad ugu dhowdahay in kooxdan xagjirka ah ay fulisay weerarka hubka Kiimkida.
Sarkaal Mareykan ah oo uu soo xigtay wargeyska Wall Street Journal, ayaa sheegay in Daacish ay adeegsatay sun gaas ah oo ay u badan tahay inay kasoo heleen dalka Syria.
 
 
 
 

Leave a Reply