Somaliland Oo Itoobiya Kala Wareegtay Tahriibeyaal La Soo Celiyay

0
287

Hargaysa (Dawan)-  Somaliland,ayaa Tahriibeyaal  kala wareegtay dawladda Itoobiya oo dalkeeda ku soo qabatay una soo gudbisay Xukuumadda Somaliland.
 
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dawladda Ethiopia ay kala wareegeen dad tahriibayaal ah oo tiradoodu gaadhayso konton qof kuwaasoo ay dawladda dalka Itoobiya goobo kala duwan oo gudaha dalkeeda ah ku soo qabatay,dadkaasoo u socday in ay naftooda ku biimeeyaan halaagga Tahriibka.
 
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in ay baadhitaan ku hayaan  siyaabaha ay dadkaasi uga gudbeen xuduudka Somaliland.
 
“Waxaanu halkan kula soo wareegnay dawaladda Ethiopia tahriibayaal ay gacanta ku dhigtay muddo kala gedisan oo ah 55 ruux oo tahriibayaala oo shani tahay haween, tahriibayaashaasi oo isugu jira Somaliland iyo Soomaaliya  dhammaantood halkan baanu ku haynaa, waxaana xaqiijinaynaa sababaha ay halkan uga gudbeen iyo meelaha ay ka gudbeen baadhitaankooduna wuu noo socdaa,” ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Somaliland.
 
 
 
Waxaa kale oo uu ka hadlay Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland Dooni  sidday tahriibeyaal sharci darro ah oo Puntand laga dhoofiyay oo biyaha badda Somaliland lagu soo qabtay. “waxa kale oo aanu soo qabanay 91 tahriibayaala oo Ethiopian u badan oo ay 83 ka mida ay yihiin Ethiopian ay ka gudbeen xeebta boosaaso iyaga oo ku socda xaga Yeman kadibna ay ka doonidii kaga xumaatay Laaso-surad oo xeebta Ceerigaabo ah sagaashan iyo kowdaa ruux oo aad iyo aad u biyo iyo baadba la’  waxa u gurmaday dawladda Somaliland iyo Ha’yada binu aadanimada IOM iyo UNHCR, dhammaantoodna waxaanu ka filaynaa in caawimo deg dega la gaadhsiiyo, hase yeeshee hawl galkii gacanta ayey ku hayaan,” ayuu yidhi Maxamed Cali Yuusuf taliyaha laanta socdaalka Somaliland. Oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply