Wakiiladda Oo Wasaaradda Waxbarashada Ku Bogaadiyay Xeer Ay Samaysay

0
288

Hargeysa (Dawan):  Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ku amaanay xeerka waxbarashada qaranka oo wasaaraddu soo curisay, kaas oo ay  mudadii ay gacanta ku hayeen Guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha  Wakiiladda  kaabis iyo wax-ka-bedel kooban ku sameeyeen, dibna ugu soo celiyeen goluhu  si ay  u ansixiyaan. Fadhigii  shalay ee golahaasi  oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro), waxaa golaha warbixin ka hor jeediyay
Guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha  Wakiiladda.
 
 
 
 
Gudoomiyaha golahaasi C/raxmaan Cirro  oo hadal kooban ka jeediyay fadhigaas  waxaanu yidhi “Ajandhaha waxa inoogu jiray xeerka nidaamka waxbarashada qaranka Somaliland iyo xeerka nidaamka xukumada oo laga dooday, kaas oo dhawaan loo codayn doono.”
 
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ayaa  sharaxaad ka bixiyay   xeerkan waxbarashada qaranka waxaanu yidhi “Xeerka waxbarashada qaranka si aad iyo aad ah ayaa wasaaradda waxbarashadu uga soo shaqaysay. xeerkai wax badan kamaanaan badalin marka laga reebo qodobo kooban oo aanu ku soo kordhinay. Xeerkan markii aanu aragnay sida fiican ee wasaaraddu uga soo shaqaysay.”
 
Sidoo kale xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu ka hadlay qodobo kooban oo ay xeerkan ku soo kordhiyeen guddi ahaan. “Waxaanu ku soo darnay in dugsiyada hoose lagu soo daro in luuqada wax lagu dhigto lagu soo daro afsoomaaliga. Waxa kale oo aanu ku soo darnay in wasaaradda waxbarashadu samayso dugsi lagu tabobaro macalimiinta kaas oo ay dawladu maamusho” ayuu yidhi xildhibaanku.
 
 
Falayn qaynta iyo doodda lagu lafo gurayo xeerkan ayaa waxay xildhibaanada golaha wakiiladu u balameen in furanto maalmaha soo socda.  Xeerkan waxbarashada qaranka ayaa guddida arrimaha bulshada ee golaha wakiiladu waxay sheegeen in uu yahay Xeer baahi wayn loo qabo. Waxaanay ku taliyeen in la ansixiyo marka ay dooddiisu dhamaato.
Xeerkan waxbarashada qaranka ayaa waxa uu ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan xeerarka ku jiray ajandaha kal-fadhiga 28aad ee golaha wakiilada oo dhawaan furmay.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply