Wefti Ka Socday Ha’yadda Samo-falka U Qaabilsan Imaaraadka Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
283

Hargeysa (Dawan)- Wefti ka socday Ha’yadda Khiliifa Foundation ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay dalka socdaal shaqo ku yimid. Waxaana madaarka Hargeysa ku qaabilay safiirka Somaliland ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay dalka imaaraadka carabta Danjire Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray iyo Masuuliyiin kale.
Safiir Somaliland ee Wadanka Imaaraadka Carabta Danjire Baashi Cawil Cumar ayaa si diiran u soo dhaweeyay weftigan ballaadhan ee ka socda Hay’adda Kheyriga ah ee Dawlada Imaaraadka Carabta, waxaanu ku ammaanay waxtarka muuqda ee ay had iyo joor la garab joogto qaranka Somaliland.
Danjire Baashe Cawil Cumar waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka weftigani ay la xidhiidho, sidii ay ugu kuur gelilahaayeen waxna innoogala qaban lahaayeen xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanu yidhi “Maanta farxad weyn bay runtii noo tahay inaan halkan ku soo dhawayno Hay’adda KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyriga ah ee Dawlada Imaaraadka Carabta). maaha runtii markii ugu horraysay ee Hay’addu timi dalka ee marar hore oo ay timi baa jirtay oo ay ka waday haddii ay noqoto mashaariicdii biyaha ama dhakhtarka, hasa yeeshee muhiimada hadda ugu weyn ee ay u timi runtii waxay ahayd inay u kuurgasho xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.”
Mudane Baashe Cawil Cumar waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaynu la soconnaa markii Madaxweynuhu ku jiray safarkii Ceerigaabo inay dalka la soo derseen abaaro xun, wakhtigaas oo Madaxweynuhu u saaray guddi heer qaran ah  oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka dalka Somaliland, waxay guddigu markii ay deristay xaaladda dalka ay sameeyeen qeylo dhaan ay u direen dhammaan Hay’addaha dunida iyo wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay, Markaa Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya tall adii gudiga waxaa uu sameeyey inuu u diro codsi Dawladda Imaaraadka Carabta oo uu ka codsaday in la soo taakuleeyo shacabka reer Somaliland ee iyagu dhibaataysan, markaa arrintani waxay jawaab u tahay taakulayntaa iyo dalabkaa uu Madaxweynuha Somalialnd sameeyey.”
Wasiir ku xigeenka Wasarada Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Axmed Aadan Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Yidhi “ Runtii maanta  (shalay) oo ay bishu 16- August waxaa farxad weyn noo ah haddii aanu nahay Wasaarada Arrimaha Dibada oo aanu ku metelayno Xukuumadda Somaliland ee uu Safiirkii Imaaraadkuna nala joogo inaanu halkan ku soo dhaweyno Sayid Khaliifa Foundation(Jimciyatul Kheyriiya) oo runtii u timi jawaabta dalabkii qeylo dhaan  uu Madaxweynaha Somaliland u diray.”
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu intaa ku daray “Fursadan annagoo ka faa’iidaysanayna waxaan uga mahad naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation sida dhakhsaha ah ee ay qeylo dhaantii Madaxweynaha iyo Gudiga Abaaruha Gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo jawaabeen, Waxay joogi doonaan haddii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20 maalmood.”
Mudane Axmed Aadan Ismaaciil waxa kale oo uu intaa ku daray   “Markaa waxay indhahooda ku soo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu saamaysay xoolaha iyo beeraha, markaa runtii dib baanu ka sheegi doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda ku soo arki doonaa. waftiga kolay Media-yahoodii wata sida baaxada leh ee abaartu u saamaysay dad, duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Siyid Khaliifa Foundation, jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu dhakhsiyaha badan Dalabkii Madaxweynaha iyo qoraalka ahaa qeylo dhaanta iyo Gudiga Abaartaba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply