Afghanistan : 10 Caruur ah oo ku Dhimatay Qarax

0
309

Qaraxyo isxigxigay oo ka dhacay goob lagu iibiyo gaaska cunnada lagu karsado, oo ku taalla magaalada Herat ee galbeedka Afghanistan, ayaa waxaa ku dhimatay 11 qof oo toban ka mid ah ay caruur yihiin, sida ay sheegeen howlwadeennada caafimaadka.
Afhayeen u hadlay cisbitaalka guud ee magaalada Herat ayaa sheegay in 18 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, kaasoo laga dareemay magaaladaasi oo ah tan saddexaad ee ugu weyn Afghanistan.
Dadka dhintay ayaa ku noolaa xero barakacayaal ay degan yihiin oo deris la ah goobta uu qaraxa ka dhacay.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday dalka Iran si halkaa loogu daweeyo.
Magaalada Herat ayaa ku taalla meel u dhow soohdinta ay wadaagaan Afghanistan iyo Iran.
 

Leave a Reply