Dadaal Aan Joogis Lahayn Ayuu Ku Gaadhay Hadafkiisa

0
354

Dhamaadkii sanadkii 2012 , nin da’ ah oo darawal ka ahaa baabuurta waaweyn ee dalka Maraykanka laguna magacaabi jiray Larry Suillen ayaa loo sheegay in gabadhiisa Sue ay ku dhalatay iyadoo keli qudha lahayd, nolosheeduna ay hadda halis ku jirto ka dib markii ay shaqadii soo gaabisay kelidaasi kelida ahi. Kooxaha caafimaadka ayaa u sheegay in dariiqa keliya ee u furani uu yahay in keli labaad ay hesho.
Ninkan darawalka isagoo aad u fikiraya oo hurda ayay ku soo dhacda fikradani, markii uu shaqadii dhamaystay  ayuu  samaystay boodh uu laabta ku qaatay oo ku qoray “ Waxaan u baahanahay kelida lagu caawiyo gabadhayda, waxaana uu ku qoray telefoonkiisa.
Boodhkan ayuu laabta ku qaatay waxaana uu socday qiyaas dhan 15 mayl iyadoo uu jiray kulaylkii xagaaga ee California, dadka ayaa mar kasta joojinayay  oo ku kaalmaynayay lacag, laakiin wuu diidayay mid kasta oo lacag siiya waxaana uu sheegayay in aanu lacag u baahnayn ee uu u baahan yahay keli lagu caawiyo gabadhiisa.
Kooxaha warbaahinta ayaa la kulmay oo warkiisa ka baahiya telefishinada, wakhtigaasi ayay kun qof soo ogolaadeen inay siiyaan kelida, laakiin nasiib daro mid qudhina ma waafaqin astaamaha jidhka gabadhiisa.
Mar labaad ayuu socodkii bilaabay isagoo markan ku daray sifooyinka kelida uu u baahan yahay.
Sanadkii 2013 ayuu helay keli waafaqday nooca gabadhiisa iyadoo loo sameeyay qaliin lagu guulaystay labada dhinacba. Wakhtigan Larry iyo islaantiisu way caafimaad qabaan. Larry  ayaa u mahadnaqay dadkii iyo dhakhaatiirta ka qayb qaatay waxaana uu sheegay inuu wadi doono hawsha uu isaguna ugu gargaari doono dadka baahan ee dhibaatooyinku ay la kulmaan. Waxaana la sheegay inuu arinkaasi ku gaadhay hadafka ee uu weheliyo dadaalkiisa aan joogsi lahayn.

Leave a Reply