FAA’IIDADA SALIID XABAD SAWDAA (BLACK SEED OIL)

0
1447

Xabad sowdada waxay ugu horraysaa miraha laga helo caafimaadka, waxaana lagu daaweeyaa cudurro badan oo aan halkaan maanta ku xusi doono oo badankood tijaabo iyo cilmi baaris lagu arkay.
Horay ayaan uga hadalnay xabad sowdada guud ahaan, laakiin maanta waxaan diiradda saari doonnaa saliidda xabad sowdada.
Annagoo og, faaida diinteena ay ka sheegtay xabad sowdada ayaan waxaan rabaa maanta cilmi baaris ahaan waxa ay ka sheegeyn aqoon yahannada in aan idin la wadaago.
Miraha xabad sowdada waxay ka mid tahay geedaha aad loo diraaseeyay oo dad badan wax ka qoreen, waxaana la qiyaasaa ku dhawaad 300 ka badan oo diraasado kala duwan in lagu sameeyay.
Cudurrada la xaqiijiyay in ay wax ka tarto waxaa ka mid ah:
1- La dagaallanka infakshanka khaas ahaan cudurrada bakteeriyada ay keento.
2- Xoojinta difaaca jirka iyo ka sifeynta jirka sunta iyo waxyaabaha khatarta ah.
Xanuunada la arkay in ay daawo u tahay oo si dhakhso ah loogu bogsado waxaa ka mid ah:
1- Madax xanuunka
2- Ilko xanuunka
3- Caburka iyo san xiranka
4- Hargabka iyo ifilada
5- Xanuunada dheefshiidka ku dhaco
6- Xanuunada lafaha
7- Neefta iyo Sanboorka
8- Xajiinta iyo allerjiga
9- Sonkorowga / Kaadi macaanka
Waxaa kaloo la ogaaday in caadada dumarka ay u fududeyso, waxayna siyaadisaa caanaha hooyada nuujiso.
Saliidda qaababka loo isticmaalo waa in la marsado ama la cabo iyadoo lagu qasan karo, cabitaan kulu sida shaaha, caanaha ama cabitaan qabow sida juuska.
Xanuunadaan aan kor ku soo xusnay sidee loogu daaweeyaa?
Neefta: Qaado buuxda oo saliid xabad sowdo saafi ah ku qaso koob coffee ah laba jeer maalintii, xabadkane marso habeen kasta muddo usbuuc ah, waxaa kaloo isku qiiqisaa uumiga adigoo ku dhibciya biyo kulul oo aad isku dabooshay. (baaritaan lagu sameeyay dalka malaysia waxaa lagu ogaaday in Neefta ay ku daaweeyeen qaabkaan aan kor ku sheegay.
Sonkorowga: Takhaatiir u dhalatay dalka India waxay sheegeen haddii Koob buuxa oo miraha xabad sowdada ah, koob haafkiis miraha geedka bagalka “watercress seeds” iyo koob haafkiis qolofta rummaanka “pomegranate peel”, kadibne la isku shiido, kadibne qaado haafkeeda oo waxa shiidan ah lagu qasto qaado saliid xabad sowdo ah, subax kastane quraacda ka hor la isticmaalo muddo bil ah, waxay sheegeen in sokorta ay dajinayso oo qofka daawo kaga maarmi karo!!!
Sanboorka iyo Cabburka: Isku uumi ama isku qiiqi saliid xabadsowdada adigoo ku dhibicya biyo aad u kulul kadibna isku daboola illaa aad safiican ugu neefsatid.
Madax xanuunka: Madaxa foolka iyo dhinacyada oo lagu daliigo saliid xabad sowdada waxaa la ogaaday inuu u roonyahay madax xanuunka loo yaqaanno “Tension headache iyo Cluster headache”
Murqo xanuunka: sidoo kale ku daliig meesha lagaa hayo, muddo 5 daqiiqo ah.
Xanuunada lafaha iyo Roomatiisamka: Sidoo kale takhaatiir shiinees ah waxay sheegeen haddii saliidda xabad sowdada la qandiciyo kadibne lagu daliigo xubinta ku xanuunayso illaa jirka safiican u gasho, kadibne hal qaado oo saliid xabad sowdada oo la cabo sedex jeer maalintii in ay daawo u tahay xanuunka “Rheumatoid Arthritis”.
Ilkaha iyo Cirid xanuunka: Miro xabad sowdo ku kari khalka “vinegar”, kadibna ku dar saliid xabad sowdo, subax kastane ku cadayso cajiinka samaysmay.
Quumanka: Caruurta quumanka ku soo noqnoqdo, waxaa dhuunta loo mariyaa saliid xabad sowdo, habeen kasto markay jiifanayaan, subaxiina iyadoo shiidan ayaa afka laba far qaadkeed loogu shubaa, tan waxay ak hortagaysaa bararka iyo infakshanka quumanka.
Waxaa jiro xanuunno kale oo dhowr ah oo xabad sowdada lagu daaweeyo, dad badan oo tijaabiyayne way kuu sheegi karaan xanuun hayay oo ay kaga daawoobeen, taasi macnaheeda maahan in xabad sowdada cudurkii baaris lagu ogaaday kaliya in ay waxtar u leedahay kaliya.
Mida kale wax kasta miisaan iyo cabir ayay leedahay, haddii la iska badiyo saliid xabad sowdada way dhici kartaa in ay dhib kuu keento.
Haddii aad jeceshahay in aad ra’yigaaga ku aadan saliid xabad sowdada nagu biiriso ama su’aalo aad qabtid waad ku qori kartaa boggaan.
Xigasho:  somalidoc.com
 

Leave a Reply