Madaxweynaha South Sudan oo Saxeexay Heshiiskii Nabada

0
386

Madaxweyne Salva Kiir ayaa qalinka ku duugay heshiiskii nabada isaga oo jooga  caasimada  Juba si loo soo afjaro dagaalka uu kula jiray muddada 20- ka bilood ah fallaagada.
 
Salva Kiir  waxa uu heshiiskani la saxeexday fallaagada in ka badan wig markii uu diiday inuu sidaa yeelo, waxaana goob joog ka ahaa xafladda hoggaamiyeyaasha gobolka ee Afrika.
Madaxweynayaasha  Kenya iyo  Uganda, iyo ra’iisulwasaaraha  Ethiopia, oo isagu howsha dhexdhxaadinta oo dhan lahaa ayaa ku sugnaa  goobta saxeexa Arbacadii.
Hoggaamiyaha fallaagada  Riek Machar  ayaa ku saxeexay heshiiska caasimada Itoobiya ee Addisababa toddobaadkii hore, balse  Kiir ayaa sheegay maalintaasi inuu u baahan yahay in la siiyo waqti dheeri ah si uu la tashi u sameeyo.
 
 
 
 

Leave a Reply