“Waxaanu Awoodda Saaraynaa Inaanu Ilaalino Aataarta Qadiimiga Ah”Agaasimaha Ciyaaraha

0
293

Hargaysa(Dawan): Agaasimaha  guud  ee Wasaaradda Dhalinyarada,  Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa  sheegay in ay Xukuumad ahaan awoodda saarayaan in ay xafidaan  Aataarta Qadiimiga ah ee dalka isla markaana ay baadigoobayaan  waxyaabaha  kale ee  qadiimiga ah ee  dalka ku duugan ee aan weli  la helin.
 
Maxamed Xuseen Dhabbeeye,  oo shalay  warbaahinta u waramay waxa uu fahfaahin ka bixiyay  qiimaha ay  dal ahaan iyo dad ahaanba u leedahay aataarta Qadiimiga ah iyo sida ay waajibka u tahay in  la wada ilaaliyo.Waxxaanu yidhi  “Waxaanu awoodda saaraynaa in aanu ilaalino oo aanu xafidno  Aataarta qadiimiga ah ee dalku leeyahay ee imika aynu haysano.  Waxa kale  oo aanu ka xukuumad ahaan si buuxda uga  hawl gelaynaa sidii aanu u heli lahayn aataarta kale ee taariikhiga ah ee dalka ku duugan ee aan wali la ogaan.”
 
Aggaasimaha Guud ayaa  intaasi  ku daray in aanay dadkeenu fahan sanayn qiimaha ay dalka u leeyihiin waxyaabaha qadiimiga ah, isagoo bulshadana u soo jeediyay in ay ka qayb qaataan ilaalinta Aataarta qadiimiga ah ee dalkeena ku duugan.
“Waxaa jirta in dadkeenu aanay wax badan ka ogayn qiimaha ay  Aataarta qadiimiga ah ee qaranku leeyahay ay dalka u leedahay.  Waxaad  arkaysaa dadkeena oo aan muhiimad badan-ba siinayn marka aad tidhaahdo dalku taariikh caynkaas ah ayuu leeyahay iyo halkaa magaalo kumanaan sano jirtay ayaa ku duugan.
Markaa  waxaan   dadweynaha reer Somaliland oo dhan  ku boorinayaa in ay ka qayb qaataan ilaalinta iyo   daryeelka Aataarta qadiimka ah. Waa  taariikh iyo Aataar qadiim ah oo aynu wad leenaha y,  waa taariikh iyo raad-raac  ka warramaya dalkeenu inta uu  jiray iyo taariikhda uu leeyahay” ayuu yidhi agaasime Dhabeeye.
 
Md. Dhabeeye, waxa uu  ka hadlay   sida ay Aataarta qadiimiga  indhaha caalamka iyo dalxiisayaashaba u soo  jiidanayso waxaanu bulshada kula dar daarmay in ay ka qayb qaataan ilaalinta aataarta qadiimka ah. Isagoo xusay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa raad-raaca qadiimiga ah.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka  xukuumad ahaan way naga go’an  tahay in aanu arrintaa culayskeeda saarno,   cid kasta oo gacan   naga siisana waan hambalyaynayaa.  Aataarteenu  waa ta aynu ku soo jiidanayno dalxiiseyaasha  iyo indhaha caalamkaba.  Markaa  aynu ka wada qayb qaadano ilaalinteeda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply