Facebook oo bilyan qof ay maalintii isticmaalaan

0
312

Markii ugu horeysay ayaa waxaa la sheegayaa in inakabadan hal bilyan oo qof in maalinkastaa ay Facebook isticmaalaan, sida uu sheegay ninka iska leh shirkadaasi, Mark Zuckerberg.
Guushan ayuu sheegay inay gaareen maalintii Isniinta, waxa ayna tilmaameen in todobadii qofba hal qof oo ka mid ah dadka dunida ku nool, inuu Facebook isticmaalo si uu ula xiriiro ehelladiisa.
Facebook waxa ay su guud u leeyihiin 1.5 bilyan oo qof oo cinwaanno ku leh kuwaas oo qaar ka mid ah bishiiba mar ay furaan Facebook yadooda, laakiin tani waxaa la sheegayaa inay hadda hal maalin oo keli ah ay hal bilyan oo qof ay isticmaaleen.
Shirkadda ayaa bishii October ee sanadkii 2012kii gaartay in cinwaankii bilyanaad la sameeyo.
Waxaa la aasaasay sanadkii 2004tii, waxaana ninkii ugu horeeyay ee billaabay uu ahaa Mr Zuckerberg, xilligaas oo uu ardey ka ahaa jaamacadda Harvard.
Waxa uu qoraalkiisii Khamiistii uu baahiyay ku saadaaliyay in sare u kaca Facebook inay sii socondoonto.
“Tani waa markii ugu horeysay ee aan gaarno guushaan, waana bilowga ku xirashada caalamka oo dhan. ” ayaa Mr Zuckerberg uu qoray.
Bishii july ee sanadkan, Facebook waxa ay sheegatay in kalabar ka mid ah dadka internetka isticmaala ee caalamka oo dhan in bishiiba mar ay booqdaan Facebook.
 

Leave a Reply