Dab ka Kacay Sucuudiga oo ay ku Dhinteen 11 Qof

0
335

Masuuliyiinta Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay dab ka kacay dhismo ay deganaayeen shaqaale u shaqeeya shirkada shidaalka ee Aramco inuu dilay ilaa kow iyo toban qof, ayna ku dhaawacmeen in kabadan laba boqol oo qof.
Shaqaalaha ayaa ka kala yimid waddamo badan. Dadka qaar ayaa dhaawacooda uu culus yahay.
Dabka ayaa ka bilawday dhismo ku yaala magaalada Khobar.
Shirkada Aramco ee Sacuudiga ayaa shaqaalaysiisa in ka badan konton kun oo qof.

Leave a Reply