Muhaajiriin Banaabaxay

0
794

Dibadbaxyo dheeraad ah ayaa ka socda dalka Hungari lagaga cabanayo go’aankii ay dawladu ku gaadhay inay ka joojiso soogaleetiga cusub inay isticmalaan xarunta tareemada ee magaalada Budapest.
Banaabaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yahiin Xoriyad , Xoriyad iyo in loo ogalaado inay u gudbaan wadamada kale ee Yurub.
Dawlada Hungari ayaa sheegtay inay ilaalinayso sharciga Yurub,waxaanay ku eedeyeen Giriiga inuu dadka u ogalaanayo inay Yurub soo dhexmaraan iyada oon la diiwaangelin.
Golaha wasiirada ee Giriiga ayaa kulan ka yeelanaya xaalka dadka ku soo ququlaya xeebaha Giriiga.
Ugu yaraan sagaal qof oo qaxoonti Suuriyiin ah ayaa ku geeriyooday xeebta Turkiga kadib markii laash yar oo ay sarayeen kula degay halkaasi, iyagoo usoo socdalayey dhanka Jasiirada Kos ee waddanka Giriiga.
 

Leave a Reply