Shirkaddo Deeq Lacageed Oo Ay Kaga Qayb Qaadanayaan Dhismaha Cusbitaalka Guud Ku Wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka

0
310

Hargaysa (Dawan): Shirkadaha Shaafici iyo Dalsan oo ka mid ah shirkadaha soo waarejidda  daawooyinka ayaa shalay    wasaaradda caafimaadka ku wareejiyay deeqo  lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan    dhismaha qaybta gar-gaarka deg-degga ah ee cusbitaalka guud ee Hargaysa.
 
Munaasibadii ay shirkadahani lacagta ugu wareejinayeen wasaaradda caafimaadka  oo ka qabsoontay xarunta cusbitaalka guud ee Hargaysa.   Waxaana  lacagtaasi kala wareegay wasiirka caafimaadka Dr. Xaglo-toosiye, iyadoo ay goob jog aka ahaayeen agaasimaha  cusbitaalka, C/raxmaan Cli Giirre oo ka socday shirkadda Shaafici  iyo C/raxmaan Cismaan oo isna ka socday shirkadda Dalsan.
 
Lacagtana deeqda ah ee ay labadna shirkadood ugu deeqeen dhismaha qaybta gar-gaarka deg-degga ah ee cusbitaalka guud oo isku-geynteedu gaadhaysay $13400 dollar, ayaa Shirkadda Shaafici waxay bixisay $5000 dollar, iyo 60-kartoon oo daawo ah.  Halka shirkadda Dalsan-na ay bixisay $8400.
 
Wasiirka caafimaadka  Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye), oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu  shirkadahaasi  lacagta kagala wareegayay    ayaa labadaasi shirkadood uga mahad naqay deeqdan lacageed. Waxaanu yidhi “Waxaan halka  uga mahad celinayaa  labadda shirkadood ee Shaafici iyo Dalsan, oo na soo gaadhsiiyay deeq lacageed  oo ay ku darsadeen dhismaha qaybta gargaarka deg-degga ah  ee cusbitaalka Hargaysa, aad ayaanan ugu mahad celinayaa. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa  shirkadihii hore uga qayb qaatay deeqaha lacageed.Shirkaddo badan ayaa iyaguna balan qaad lacageed  sameeyay, oo aanu filayno in ay  dhawaan dhakhso noo soo gaadhsiin doonaan”.
 
Wasiirku waxa uu ka waramay wakhtigii la dhisay cusbitaalka guud ee Hargaysa   iyo sida uu ugu baahan yahay in la dayac tirro.  “Cusbitaalka guud ee Hargaysa waxaa la dhisay sanadkii 1953-kii, xiligaas oo dadka  ku dhaqnaa Hargaysa loogu tallo-galay in uu siiyo adeegyadda caafimaadka. Waxaana wakhtigii la dhisay cusbitaalka tiradda dadka ku noolaa Hargaysa lagu qiyaasay  kontemeeye kun.Cusbitaalkaasi 1953-kii la dhisay  ilaa maanta wax badan laguma kordhin, inkasta oo imika tiradda dadka Hargaysa ku nooli ay milyan qof ku dhawdahay, isla markaana uu yahay dhakhtar qaran oo ay wada isticmaalaan dhamaanba dadka ku nool goboladda dalku” ayuu yidhi wasiirku.
Wuxuu sheegay wasiirku  in ay ka wasaarad ahaan ka go’an tahay in ay dib-u-dhis ku sameeyaan cusbitaalka. Waxaanu yidhi “Wasaarad ahaan waxaa naga go’an oo qorshahayagu yahay  in la kordhiyo dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa, in tayadiisana la hagaajiyo,  in dhismeyaashiisa la kordhiyo, in laga dhigo cusbitaal hanan karra ama u shaqayn karra dhamaanba shacabka reer Somaliland. Waxaanay wasaaradu muhiimadda koowaad siisay in la kordhiyo dhismeyaasha.
Waxaa loo baahan yahay in la  dhiso  qaybta gar-gaarka deg-degga ah, oo la hello cid ka jawaabta marka ay dadka gar-gaarka deg-degga ah u baahani la soo xidhiidhaan cusbitaalka. Imika waa qol aad u yar, oo haddii uu tusaale ahaan shil baabuur dhaco oo 15-qof oo dhaawac ah la keenno ma qaadi karro, waana dhisme aad u Duug ah, oo gaaban. Markaa waxaa naga go’an in aanu dhisno meel  lagu qaabilo gar-gaarka deg-degga ah, oo heer caalami ah. Waxaanu  qoondaynay in loo baahan yahay  lacag dhan $50,000 kun oo dollar ah si loogu dhiso, nasiib wanaag ilaa hadda shirkadaha iyo ganacsatadda Somaliland waxaanu ka haynaa lacag gaadhaysa ilaa $160,000 dollar. Miisaaniyadda wax baanu ugu darnay, oo xukuumadu si weyn ayay uga qayb qaadanaysaa dhismaha cusbitaalka”.
Waxaanu intaasi ku daray “Anagoo  ka duulayna awoodeena dhaqaale markii la qiimeeyay waxaa ku baxaysa lacag dhan 40milyan oo dollar ah, lacagtaasina mar ma wada heli karno  markaa tartiib ayaynu isaga wadanaynaa, laakiin   waxaa ka go’an wasaaradda iyo xukuumadaba in loo dedaalo in la tayeeyo adeegyadiisa caafimaad, isla makraana la kordhiyo adeegyadiisa caafimaad. Waxaanu doonaynaa  in cusbitaalku uu noqdo mid daboola oo hanan karra baahidda caafimaad ee bulshadeena oo tiradeedu aad u badan tahay”ayuu yidhi Dr Xaglo-toosiye.
 
Agaasimaha  cusbitaalka guud ee Hargaysa Dr.  Axmed Xaaji Cumar Askar, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahad naqay labadda shirkadood ee Shaafici iyo Dalsan deeqdan  lacageed ee ay ugu deeqeen dhismaha la doonayo in loo dhiso qaybta gar-gaarka deg-degga ah ee cusbitaalka.
Waxaanu  ugu baaqay dhamaanba bulshadda guddo iyo dibad-ba  in ay ka qayb qaataan dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa, isagoo agaasimuhu baaq kaasi la mid ahna u diray shirkadaha iyo ganacsatadda kale ee dalka.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply