Saloolku Wuxuu Ilaaliyaa Dhalinyaronimada

0
312

Khubaro dhinaca sayniska ku takhasustay ayaa sheegay in saloolku yahay mid ilaaliya dhalinyaro nimad, isaga oo sidoo kalena ka hortaga waxyaalo suntu ay kamid tahay ,iyo wadnexanuunka,Infections-ka iyo waxyaalo dadka ku dhaca oo xanuuno ah.
Khubaradan oo ka socday jaamcadda University of Skrentonskom ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay inay hore u aaminsanaayey in macdanaha laga helo saloolka laga heli karo oo keliyaata khudaarta,laakin waxay sheegeen inay tani u cadaysay in saloolku ka macdan badan yahay khudaarta.
Khubaradan ayaa sheegay in halka khudarta laga helo 160 mg oo macdan ah saloolkana laga helo 300mg oo macdan ah ,kuwaas oo ah nooca ka hortaga suntan jidhka gasha,iyaga oo sheegay in macdanta khudradu ay ku xidhan tahay hadba biyaha ku jira ,halka aanu biyo badan lahayn Saloolku.
Khubaradan ayaa talo kusoo jeediyey cunitaanka Saloolkaasi oo dadku si caadi ah u isticmalaan ,gaar ahaana marka la dawanaayo films ka iyo ciyaaraha waxaanay sheegeen inuu cusboonaysiiyo unugyada jidhka qaybo badan oo kamid ah,sidoo kalena ay ku jirto Vitamin B iyo waxyaalo kale oo jidhka faa’ido u lehi,kuwaas oo qaarkood dejiya sonkorta dhiiga ku jirta,halka kuwo kalena ay soo saaraan dhecaanka Insulin-ta loo yaqaano .
 

Leave a Reply