Feedhyahan Feedh Sababey

0
360

Feedhyahan reer Australiya ah ayaa u dhintey feedh kaga yimi ninkii uu tartanka feedhka kula jirey.
Feedhyahanka  ayaa ku dhintey cusbitaalka  kadib markii uu miyir beel ahaa afar cisho.
Tartanka feedhka ayaa ka socdey magaalada Sydney markii uu ku dhacay feedhka sababta u noqdey dhimashadiisa.
Feedhyahan Davey Browne Jr, oo 28 jir ahaa, waxa feedh dhulka ugu tuurey feedhyahan  Carlo Magali oo u dhashey  Philippines  dhamaadkii wareeggii  12- Tartankaasi feedh waxa  la yidhaa super-featherweight, waxaanu dhacay  toddobaadkii tegay.
Feedhyahan  Browne oo ahaa aabe leh laba carruur ah waxa uu cusbitaalka ugu dhintey dhaawacii oo uu ka soo kaban waayay.
 
Ururka dhakhaatiirta  Australiya ayaa ku baaqey in la mamnuuco feedhtanka kadib geerida  Browne.
 

Leave a Reply