Prof. Cabdi Cali Oo Salluugay Qorshaha Lagu Buun-buuniyo Tobanka Arday Ee Ugu Sareeya Dugsiyadda Sare

0
341

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Prof. Cabdi Cali Jaamac, ayaa  dhaliilay hanaanka lagu shaaciyo tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare, waxaanu ku dooday in arrintaasi ay tahay mid aan sax ahayn oo khiyaamo ku jirto.
Prof. Cabdi Cali waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qorshahaas lagu bedalo in la qiimeeyo dugsiga cel-celis ahaan kor u soo qaaday tayadda waxbarashadda dalka.
Cabdi Cali Jaamac waxa uu mawduucaas ku faaqiday qoraal uu soo saaray oo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka oo u dhignaa sidan:-
“Sannad kasta, marka imtixaanka ardayda dugsiyada sare la yeedhiyo, waxaynu maqallaa wax la yidhaa tobankii arday ee ugu sarreeyay(Top ten), taasoo loo baahiyo si heer qaran ah oo ay goob joog ka tahay wasaaradda waxbarashadu.
Sannad kasta, waxaan is idhaa wax ka qor, laakiin sannadkan ayuu ILAAHAY  qaddaray in aan maqaalkan yar ee kooban aan ka qoro. Dugsiyaduna waxay isugu faanaan tirada ardayda u gashay tobanka u sarreeya dalkoo dhan. Taasoo aynu u fahanno in dugsiga sare ee tirada ugu badan ka hela tobanka ugu sarreya inuu ka waxbarasho fiican yahay kuwa kale.
Aniga waxay ila tahay in ay halkaa ku jirto khiyaamo “statistics ah”, oo haddii aan la caddayn keenaysa qalad-fahanka immikaba ay innaga iibiyaan Iskuuladaasi.
 
Haddaba, aynu u kala qaadno qiimaynta iskuulada laba heer. Heer qaran iyo heer dugsi. Sheekada Top-ten-ku waxay ku fiican tahay in iskuul waliba tobankiisa arday ee ugu sarreya uu si gaar ah u abaal mariyo, laakiin aanay noqon arrin la baahiyo. Maxaa yeelay marka la joogo heer qaran arrintaasi muhiim ma aha. Haddii aynu rabno in aynu u qiimayno iskuulada si heer qaran ah, sax ilama aha in aynu ku qiimeyno tayada waxbarasho ee iskuul leeyahay inta arday ee kaga jirta tobanka u sarreeya.
Haddii aynu doonayno si caddaalad ku dhisan in aynu u qiimayno iskuulada waa in aynu qaadannaa miqyaas kale oo aan ahayn kaas aan kor ku soo sheegnay. Waxaan soo jeedin lahaa in la yidhaa dugsigee baa celcelis ahaan(average) ugu sarreeya marka la eego dugsiyada sare ee dalka.
Cabbirkan aynu kor ku soo sheegnay wuxuu  kaga fiican yahay kii Top Ten-ka laba arrimood:-
1- Wuu uga dhow yahay caddaaladda. Maxaa yeelay Iskuul fiican oo dedaalay oo aan waxba ka hagran ardayda ayaa waxa dhici karta in tobanka ugu sarreya aanay cidiba ugu jirin.Waxa dhici karta iskuul kale oo ardaydiisu 90% ay liidato, inuu dhawr arday oo xarfaan ah uu ka soo urursado iskuulada waddanka oo dhan, halkaana uu ku helo tirada ugu badan ee Top ten-ka. Taasi markaa waxay baal marsan tahay caddaladda. Mana dhiiri galinayso iskuulada dedaala balse waxay dhiirigalinaysaa kuwa xarfadda sameeya. Taasna innaga wax dan ah oo qaran ahaan inoogu jirtaa ma jirto.
2-Marka heer qaran la joogo, Waxa aynu innagu danaynaynaa waxa weeye iskuulkee baa kor u soo qaaday heerka waxbarasho ee ardayda. Taasina waxay ku imanaysaa in la ogaado celceliska natiijada ardayda iskuulkaas aynu ka hadlayno. Marka sidaasi ay dhacdo ee iskuul waliba ogaado in kaalinta koowaad lagu galayo kor u qaadista tacliinta ayaa dugsiwaliba ka leexan doonaa istiraatijiyada khaldan ee immika ay raacaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply