Haweenay Dacwad ka Gudbisey Dawlada Kenya

0
527

Maxkamad ku taal  Kenya ayaa bilowday dhegaysiga dacwad ay ku soo oogtey dawladda  haweenay  Imaaraatka carabta  ah (UAE) oo sheegtay in ay qabteen oo ay xidheen  ciidamada gaarka ah ee Kenya, ayna u qaadeen  Somaliya and Ethiopia,  islamarkaana ay ciqaabeen.
Kamilya Mohammedi Tuweni  waxa ay sheegtey in lagu eedeeyay wakiil Al-qaacida ah iyada oo socdaal ku tagtey Kenya sannadkii  2007.
Ms Tuweni  ayaa la sii daayay  markii ay xidhneyd  72 cisho , wax sabab ahna lagama siin xadhigeeda.
Madaxa ka hortagga argagixisada  Kenya ayaa dafirey eedeyntaasi.
Kiiskan ayaa dib loo dhigey ilaa  29 Oktober.
Ms Tuweni ayaa ka dooneysa dawladda Kenya  magdhaw maaliyadeed, waxaaney dalbaneysaa in la siiyo raalligelin.
Ms Tuweni ayaa ku dhalatey  Zanzibar, balse waqtigan waa muwaadinad Imaraatka ( UAE), mana heysato dhalasho Tansaaniya ah.
 

Leave a Reply