Kureyshiya oo Xidhey Xuduudeeda

0
406

Dalka Kureyshiya ayaa xidhay todoba ka mid ah irdaha looga gudbo xuduudkiisa dalka Seerbiya, iyadoo uu dalku uu la tacaalayo kumanyaal soogalooti iyo qaxooti isku dayaya in ay u gudbaan dalalka waqooyiga Yurub.
Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa sheegtay in wadooyinka taga xuduudada la xidhay. Maxadada tareenka ee Tovarnik ee ku taala xuduuda dalka Kureyshiya uu  la wadaago dalka Seerbiya, ayaa boliiska rabshadahu waxay hareereeyeen laba kun oo qof oo soogalooti ah oo halkaa ku sugan.
Magaaladda Zagreb ee caasimadda ah ayaa boqolaal  soogalooti ah waxay isku dayayaan in ay gaadhaan magaaladda Bregana ee ku taala xuduuda dalka Slovenia uu la wadaago dalka Kureyshiya.
Qaar badan ayaa waxay galayaan  safar lug ah oo qaadanaya ilaa iyo lix saacadood. Nin masiixi ah oo u dhashay dalka Suuriya ayaa u sheegay BBCda in ay dadku lugeynayaan iyagoo aan seexan, sababtoo ah, waqti looma hayo hurdo…’Maalin walba xeerarka ayaa isbedelaya.’
 

Leave a Reply