Shirkada Dayaaradaha Hindiya iyo Shaqaalaha Buurbuuran

0
328

Shirkada qaran ee dayaaradaha Hindiya ayaa qoondeysay in aaney shaqaalaha buurani raaceyn dayaaradaha oo laga reebayo duulimaadyada.
Arrintan ayaa waxa saameysay 125 shaqaale ah oo miisaankoodu xad dhaaf noqdey.
Sarkaal ka tirsan shirkada ayaa u sheegay warbaahinta in ay arrintani la xidhiidho dhukment ay soo saartey waaxda duulista hawadu sannadkii hore.
Sarkaalku waxa uu intaa raaciyay in ay shirkaddu digniin siisay  600 oo ah shaqaalaha raaca duulimaadyada sannadkii hore, haseyeeshee ay 125 ka mid ahaa aaney ku guuleysan in ay maareeyaan  miisaankooda.
Shirkadda ayaa ku andacooneysa in aaney arrintu aheyn miisaanka balse ay tahay qaabka ku habboonaanta shaqada oo aanu shaqaalaha miisaankiisu weyn yahay aanu si waxter leh u hawlgeli Karin xaaladaha degdega ah.
 
Tani ma aha markii ugu horeysay ee shirkada dayaaradaha Hindiya u fadhiisiso  shaqaale arrimo miisaanka ah.
Sannadkii  2009, ayaa waxa ay ku eridey sagaal dumar ah ‘hostesses’ miisaankoodaa xad dhaaf ah.

Leave a Reply