Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Ku Baaqay In Xilka Laga Qaado Maayar Muraad Oo Uu Ku Eedeeyay Musuq Maasuq

0
282

Burco (Dawan)- Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad ku eedeeyay in uu ku kacay musuq maasuq baahsan isla markaana uu lunsaday hanti badan.
 
Xildhibaan Cabdilaki waxaa kale oo uu intaa ku daray in Maayar Muraad uu iibiyay Garoomo kubadda lagu ciyaaro oo aan magaaladana waxba loogu qaban, waxaanu ku taliyay in Maayarka xilka laga qaado, Xildhibaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxaa uu yidhi ”Anigoo ka tirsan xildhibaanadda golaha deegaanka degmada Burco ee gobolka Togdheer, waxaan qirayaa in ay degmada ka jirto Maayar la’aan, waxaan sheegayaa in wax kasta oo wax loogu qabanaayo magaalada Burco ee goluhu ansixiyo ay leexsadaan ama lunsadaan Maayarka iyo Maayar ku xigeenkiisa.”
 
Xildhibaanku waxa uu  sidaasi ku sheegay qoraal uu warbaahinta u kala diray waxaanu  ku eedeeyay  maayarka iyo maayar ku xigeenka inay  xaraaasheen dhul dan guud ah, isla markaana ay lunsadeen lacag shan boqol oo kun oo dollar ah oo madaxweynaha Somaliland ugu deeqay golaha deegaanka Burco, waxaanu yidhi “Iyadoo uu dhulkii danta guud ahaa Maayirka iyo Maayar ku xigeenku ay xaraasheen, ayaa haddana waxaa ka badan lacagaha ka soo golaha dawlada dhexe oo aan iyaguna la garanayn meel ay ku dhacdo iyo meel uu ku shubto maayarku, waxaana ugu dambaysay tii uu madaxweynuhu ugu deeqay 500 oo kun oo dollor golaha, ka dib markii aanu u gudbinay cabasho ah in aanan haysan miisaaniyaddii lagu shaqo gelin lahaa shaqaalaha.”
 
Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur waxa Kale oo uu sheegay in Maayar Muraad iibiyay Garoon lagu ciyaaro kubbada gacanta, isla markaana uu ka qaatay qadar lacag ah oo dhan hal milyan iyo afar iyo labataan kun oo dollor, waxaanu yidhi “Maayarka iyo fulintuntiisu waxay iibiyeen garoon lagu ciyaaro kubbada gacanta, waxaanu ka qaatay qadar lacag ah oo dhan hal malyan iyo afar iyo labataan kun oo dollor, 300 oo kun oo dollor oo shirkadii wadada qandaraas (contract)  lagula galay mooye lama garanayo meel ay martay lacagtaasi, waxaanu golaha u sheegay in lagu samayn doono lacagtaa waddo, balse illaa imika aanu golahu wax war ah ka hayn halka la mariyay lacagtaas , tanina waxa ay idin tusinaysaa in uu si fudud maayarku u lunsado hantida ummadda ka dhaxaysa, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.”
 
“Maxaanu madaxweynuhu uu sii hor mariyay lacag dhan 200 oo kun oo dollor, oo aan ilaa imika goluhu garanayn meel ay ku baxday lacagtaasi ,waxaanu maayarku gebi ahaanba lacagtaa ku shubtay jeebkiisa isagoo aan u aabo yeelayn ma xalaalbaa mise waa xaaran,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
 
Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur, gabagabadii waxa uu baaq u diray shacabka gobolka Togdheer, gaar ahaan kuwa magaalada Burco, isagoo uu soo jeediyay in ay indhaha ku hayaan Maayarka iyo ku xigeenkiisa oo uu ku eedeeyay in ay isu bahaysteen dhaca iyo boobka hantida ay leeyihiin dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer. Geesta kalena, Maayarka Burco oo aanu xalay isku daynay inaanu eedahan loo soo jeediyay wax ka weydiino, ayaanay noo suurto gelin telefoonkiisa oo xidhnaa darteed.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply