Xuutiyiinta oo sii daynaya Ajaaniib Yemen lagu haysto

0
366

Wararka ka imaanaya Yemen waxay sheegayaan in jabhadaha Xuutiyiinta ay qorshaynayaan in ay sii daayaan lix maxbuus oo ajaaniib ah.
Dhalashadooda ayaa kala ah saddex Maraykan ah, labo Sacuudiyaan ah iyo mid British ah.
Ilo ka tirsan jabhadda ayaa laga soo xigtay in lahaysteyaashaas laga soo duulinayo caasimadda Sanca oo la gaynayo dalka ay dariska yihiin ee Cumaan.
Laakiin afhayeenka xuutiyiintu ma uusan xaqiijinin hadalkaasi.
Xidhitaanka iyo afduubka ayaa halis joogto ah ku haya ajaaniibta tirada yar ee wali ka hawl gala dalka Yemen, halkaas oo ay dagaal sokeeye ka socdaan mudo bilooyin ah.
 
 

Leave a Reply