“Saddex Mashruuc Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo u Balan-qaaday Bulshadda Wajaalle, Sidoodii Ayuu u Fuliyay”

0
279

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si buuxda uga dhabeeyay hirgelintoodda mashaariic horumarineed oo uu  bulshadda ku nool  magaaladda Wajaale u balan-qaaday xiligii uu ku jiray ololihii doorashadda madaxtinimadda sannadkii 2010-kii.
Mashaariicdaasi oo ay ka mid ahaayeen  cusbitaal loo dhiso magaaladda, wadadda isku xidha Kala-baydh iyo Wajaale in laami laga dhigo iyo in biyo nadiif ah ay helaan dad ku dhaqan Tog-wajaale, iyadoo inta la ogyahay  Abid markii  u horaysay ay  imika magaaladda  Wajaale yeelatay cusbitaal  ay si aad ah ugu baahnaayeen.
 
Sidaasina waxa sheegay  guddoomiye  ku xigeenka degmadda Tog-Wajaale  Mursal Nuur Cismaan, oo shalay  magaaladda Wajaale ugu waramay DAWAN, waxaanu  tilmaamay in saddexdii mashruuc  ee ugu muhiimsanaa waxyaabihii   uu madaxweyne Siilaanyo u balanqaaday bulshadda ku nool Wajaale  markii lagu jiray tartankii doorashadda  inay sidii loogu tallogalay u fuleen.
Mursal Nuur, waxa uu intaasi ku daray in markii u horaysay ay magaaladda Wajaale yeelatay cusbitaal, isla markaana ay ka maamul ahaan dhawaan rejaynayaan in dhawaan   biyo nadiif ah  la soo gaadhsiinayo magaaladda. Waxaanu  sheegay in mashaariicda laga hirgeliyay magaaladda Tog wajaale in 90% ay fulisay xukuumadda dhexe ee Somaliland.
 
Guddoomiye ku xigeenka degmadda Wajaale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi    “Waa markii u horaysay oo ay magaaladda Tog-wajaale cusbitaal yeelato, madaxweynaha qaranka  Axmed Siilaanyo ayaa xiligii uu ololaha madaxtinimadda ku jiray waxa uu balan qaadya in uu 3 mashruuc oo waaweyn ka hirgelin doono.  waxaana ka mid ahaa cusbitaalka, wadadda weyn ee  laf-dhabarta u ah magaaladda iyo mashruuca biyo gelinta ee Wajaale.  saddexdii mashruucba sidoodii ayay u  fileen, biyihii hadda gebagebo ayay ku jiraan, oo ceelkii labaadna dhamaad ayuu ku jiraa, hay’adda Imaaraadka ee Sunah Al-khayriya ayaana hawshaasi wada.
 
Waxyaabaha  kale ee degmadda Wajaale u qabsoomay waxa ka mid ah, garoonka  Kubadda cagta oo ay fulinayso wasaaradda maaliyadu, loona bixiyay (Siilaanyo Stadium), waxa kale oo ay wasaaradda maaliyadu dib u habayn ku samaysay sariibadda iyo kaawaanka xoolaha lagu gawraco, mudadii aanu xilka haynay waxaanu ka qabanay qashinkii toga buuxi jiray oo aanu ka nadiifinay, waxaananu doonaynaa in aanu dhir ku biirno, si aanu bilicda magaaladda u soo celino iyo meelaha biyuhu maraan”.
 
 
“MCH-ka magaaladu horeba way u lahayd, imikana si fiican ayuu u shaqeeyaa, oo qalabkii shaqaalihii iyo daawadiiba way u dhan yihiin.  Cusbitaalka Wajaale waxaa maalgelisay dawladda Kuwait, waxaana u dedaalay in ay Tog-wajaale, cusbitaalkan yeelato madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo.  Muddo  5 bilood ah ayaanu imika shaqaynayay, dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal caafimaadna way joogaan, shaqaalaha cusbitaalka waxaa dusha u ridatay wasiirka maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan,  oo aan ugu mahadcelinayo, ka dib markii aanu u sheegnay in shaqaalaha cusbitaalku ay bilaa mushahar  yihiin. Waxaanay naga ogolaatay inay gunno u samaynayso inta sanadku dhamaanayo, marka sanadku dhamaadana in payroll-ka wasaaradda caafimaadka lagu darayo”.
 
 
Guddoomiye ku xigeenka Wajaale, waxa kale oo uu ka waramay halka uu marayo mashruuca  biyo gelinta magaaladda. “Waxaa la doonayaa in laba ceel-biyood loo qoto magaaladda Wajaale, degaanka Bottor ayaana laga qodayaa, ceelkii hore wuu dhamaaday, ceelkii labaad-na todobaadkii hore ayaa la bilaabay, waxaana maalgelinaysa hay’adda Sunah Al-khayriya, oo safiirka Imaaraadka Carabta, u fadhiya Somaliland  danjire Baashe Cawil, ayaana keenay  aad iyo aad ayaanan safiirka ugaga mahadcelinayaa dedaalkii uu u galay arrintaasi.  Waxaana  la qorsheeyay inay Wajaale biyaheedu gaar u ahaadaan, waxaanan rejaynayaa in dhawaan bulshadda reer Wajaale ay biyaha ka haqab-beli doonaan” ayuu yidhi ku xigeenka guddoomiyaha Wajaale.
 
Dhinaca kale Mursal Nuux Cismaan, waxa  uu sheegay in ay wax badan ka qabteen hagaajinta wadooyinka dhex mara magaaladda Wajaale, oo ay dhibaato badan ku qabeen gaadiidka xamuulka sida, isagoo tilmaamay  in aanay hadda jirin wax gaadiidka  ah oo ku dhex-Gadoomay  gudaha magaaladda.
Waxaanu  intaasi ku daray inay sidoo kale  dhawaan jid 1 km ah oo loo marro cusbitaalka ay laami ka dhigayaan, isagoo xusay in haddii ay roobab waaweyni da’aan ay dhici karto in aan baabuurtu tegi Karin cusbitaalka, isla markaana dhismaha jidkaasi 1km ah uu   yahay  mid muhiim ah.
By: Khadar C.Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply