Fanaaniin Bandhigyo Ka Soo Dhigay Muqdisho Oo Hargeysa Lagu Xidhay Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay Fal-dambiyeedkooda

0
270

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa  shalay  xidhay afar fanaan oo ka tirsan kooxda hobaladda ee xidigaha geeska, fanaaniintaasi oo munaasibadii ciidul-Adxa  bandhig suugaameed u tegay magaaladda Muqdisho. Fanaaniintani   oo  markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Hargeysa la xidhay waxay magacyadoodu kala yihiin  Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal (cirro), iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Oday).
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xidhiidhka goboladda iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadare, Somaliland ayaa ku tilmaamay sababta xadhiga fanaaniintaasi inay ku xad-gudbeen xeerarka Somaliland u yaalla, isla markaana markii ay u baxayeen safarkaasi inay fasaxa u qaateen iyagoo sheegay inay dalka Kenya tegayaan.
 
Hase  yeeshee ay ka been sheegeen arrintaasi ayna tegeen magaaladda Muqdisho, isla markaana markii ay  bandhig faneedka sameeyeen ee ay heesaha qaadayeen in TV-yadda laga arkay iyagoo xidhan calanka Soomaaliya, taasina ay tahay mid anshax darro ah.
Axmed Cadare, oo shalay u waramayay   BBC ayaa  sheegay in fanaaniintan loo xidhay  barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida Somaliland oo ay Muqdisho kaga soo qayb galeen iyagoo  ah  shaqaale  ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Wasiir ku xigeenka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Hoobaladan la xidhay waxay ku fasax qaateen inay tegayaan Nairobi, waxay ka beeg sheegeen arrintaasi. Dabadeed waxay tegeen Soomaaliya, iyadoo ay arrimo kale galeen, sida TV-yadda laga daawadayna ay calankii Soomaaliya ka muuqanay iyagoo ku jeeni-qaaran.Markaa waxay ku xad-gudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaana loo xidhay”.
Md. Caddare, waxa uu  tilmaamay in xeer ka yaallo sheegay in fanaaniinta iyo siyaasiyiinta muwaadiniinta ah ee u dhashay Somaliland ay yihiin astaan qaran oo ka turjumaysa ilaalint qaranimadda Somaliland, isla markaanay xad-gudbeen.
“Fanaaniinta muwaadininta ah ee Somaliland ee ka turjumaya qaranimadda xeerbaa u yaalay, oo ahaa in fanaaniinta iyo siyaasiyiinta oo astaan qaran ah, kuma jirana oo way ka baxsan yihiin, isla markaana waxay ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda, oo way xad-gudbeen. Mushahar ayay ka qaataan wasaaradda warfaafinta oo waa shaqaale dawladeed, markaa sharciga ayaa la marinayaa” ayuu yidhi Caddare.
Mar  la waydiiyay  faraq u dhexeeya in bandhig faneedyadda lagu qabto Somaliland ay ka soo qaybgalaan fanaaniin iyo abwaan meelo kala duwan ka yimaada iyo safarka fanaaniintan ay ku tegeen Muqdisho waxa uu yidhi   “Faraqa u dhexeeyaa, wuxu yahay, dadka Af-Soomaaliga ku hadlaa caalamka meel kasta way ku qaban karaan, laakiin, Somaliand iyo Soomaaliya qadiyadbaa ka dhaxaysa, laba wadan oo isku tegay ahaayeen ilaa ay isla meel dhigaan, shacabka Somaliland ayaana go’aan ka qaatay, qaranka Somaliland-na waxa uu ka turjumaa baahidda ay shacabku ay go’aansadeen.Markaa meelo kale waa lagu qaban karaa, laakiin laguma qaban karro, Soomaaliya”.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka oo   la waydiiyay maadaama oo ay kooxda xidigaha geesku faniin bulshadda badankeedu ay jecel yihiin heesahoodda in xadhigan ay xukuumaddu kula kacday ay weji gabax ku keeni karto Somaliland, wax auu ku jawaabay “Hargeysa ama Somaliland waa hoygii fanka, ma is-hortaagayso mana cabudhinayso, waana halka soo saarka fanka iyo fanaaniinta eek u faanta, laakiin inay iyagu siyaasiin noqdaan maaha. Somaliland iyo Soomaaliya arrimaa ka  dhex-taagan, xeerarbaa ka yaalla, mawqif cad bay Somaliland ka taagan tahay. Markaa fanaaniinta la cabudhin maayee waxaa loo baahan yahay inay eegaan xeerarka dalka u yaalla, ee baarlamaanku ansixiyay” ayuu yidhi Axmed Caddare.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply