Wasiirro Sheegay Inaan Shirkado Gaar Ah Lagu Wareejinaynin Wakaaladda Biyaha Berbera

0
295

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenada wasaaradaha  xannaanada xoolaha  iyo warshadaha  Cali Maxamed Cilmi iyo  Cali Maxamed Axmed (Cali Dhagoole) ayaa been aan sal iyo raad toonna lahayn ku tilmaamay in cid gaar ah  lagu wareejinayo wakaaladda biyaha ee magaalada Berbera.
Labadan Wasiir Ku xigeen oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera ayaa waxa ay u soo jeediyeen dadweynaha reer Berbera in aanay dheg u dhigin wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo, waxaana ay ku doodeen  in aanay jirin in cid gaar ah oo  lagu wareejinayo wakaaladda biyaha ee magaaladda Berbera.
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warshadaha Cali Maxamed Axmed (Cali Dhagoole) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay xisbiga Waddani inuu waddo warar been abuur ah oo uu ku kicinayo shacbiga reer Berbera waxaanu yidhi  “Gobolka Saaxil oo aanu muddo joognay waxa aanu ugu nimid warar been abuur ah oo shacabka reer Saaxil lagu marin habaabinayo oo xisbiga Waddani ku kicinayo shacbiga reer Saaxil oo ay samaynayaan been abuurro iyo fidmooyin ay dadweynaha ku faafinayaan.”
 
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa jirta in sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF lacag loo geliyay biyaha magaalada Berbera taas oo la rabo in lagu balaadhiyo, waa baahi markii hore xukuumaddu gudbisay kuma jirto wax shuruuda in laga dhigo wakaalada biyaha ee Berbera nidaamka loo yaqaano (Public Private Partnership(PPP) oo ah in shirkad lagu wareejiyo ay ku wada jiraan dawladdii iyo Ganacsatadu, kuma jirto haba yaraatee si xora ayay dadku u soo xaraysan doonaan oo uga qeyb-gali doonaan mashaariicdaas oo uga qayb-gali doonaan tartanka lagu bixin doono mashaariicdaas biyaha ah ee Berbera. Sidaas darteed, dadka reer Berbera waxa aan u sheegayaa in ay been tahay in cid gaar ah loo xidhayo mashruuca biyo balaadhinta  Berbera.”
Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Cali Maxamed  Cilmi ayaa isaguna u soo jeediyay dadweynaha reer Berbera in aanay dheg u dhigin wararka been abuurka ah, waxaana uu yidhi “Biyaha Berbera haddii ay qaali noqdaan waxa noloshu noqonaysaa wax cidhiidhi ah.
Qofka reer Berbera waxa maalintii uu u baahan yahay  100 litir oo biyo ah,  waxa aan leeyahay bulshadda reer Berbera intaas war baa idiin imanaya waxaana wararku igu soo gaadheen biyihii Berbera Private ayaa laga dhigayaa oo cid gaar ah ayaa lagu wareejinayaa waxa aan iswaydiiyay xaga uu warkaasi ka  yimid, dabadeedna waxa aan la hadlay Wasiirka biyaha oo aan waydiiyay in arrinkaasi jiro, dabadeedna waxa uu yidhi maya. waxa aan leeyahay waxa baryahan bulshadda reer Berbera ku soo noqnoqonayay waxa biyaha Berbera lagu wareejinayaa cid gaar ah.
Wax ka jiraana  ma jiro waa war beena. Waxaana bulshadda reer Berbera baryahan ku soo noqnoqonayay warar been abuur ah oo waxyaabo badan oo aan jirin oo xukuumadda ka soo fulin bulshadda reer Berbera loo keenayay.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply