Baratakoolkii Lagu Gelbiyay Madaxweynaha Somaliland Booqashadiisii Shalay Ee Dubia Illaa Abu-dhabi Iyo Soo Dhaweyntii Layaabka Lahayd Ee Qasriga Madaxtooyadda

0
343

ABUDUBAI (Dawan)-  Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda  ee dawladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, ayaa  shalay qasriga madaxtooyadda  ee Magaaladda Abu-dhabi  qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo weftigii uu Hoggaaminayo oo maalmo ku sii hakaday  wadanka UAE, iyagoo maalmaha soo socdana u kicitimi doona Ireland.
Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, waxa uu madaxweynaha ugu soo dhaweeyay qasrigiisa  si niyadsami leh oo uu siiyay baratakoolka ugu sarreeya ee ay ku muuneeyaan Madaxda dalkooda booqashadda ku tagta. Waxaanu kaga hor yimid barxadda hore ee qasriga madaxtooyadda.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud  Iyo Raysal wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabtu waxay  kulan ay yeesheen kaga wada hadleen sidii labada dawladood ay u sii adkayn lahaayeen iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu  Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan iyo dawladiisa uga mahad-celiyay mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan Somaliland, waxaanu  tilmaamay inay Somaliland ka go’an tahay inay dhidibadda u sii adkeeyaan  cilaaqaadka labada dal.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay u socdaan Ireland, hase yeeshee maadaama ay sii mareen Imaaraadka Carabta ay uga mahad-celinayaan sida dawladda Imaaraadku mar walba u soo dhawayso.
Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka madaxtooyadda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay inay u han-weyn yihiin xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland isla markaana uu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay maalmo ku sii nastaan dalkiisa
Kulankaas waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay  Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali.
Waxa isla shalay-galab  Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii dib ugu noqdeen magaaladda Dubia oo ay degan yihiin, iyadoo saraakiil ka socota dawlada Imaaraadku soo gelbiyeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply