Jawigii Madal Uu Xilka Kula Wareegay Agaasimaha Cusub Ee Arrimaha Dibaddu

0
284

Hargeys(DAWAN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,ayaa xilkii u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee wasaaradda arrimaha dibada C/raxmaan Maxamuud Abdeeq iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maxamed Xasan Siciid.
Munaasibad ay xilka kulak ala wareegayeen labada agaasime oo shalay lagu qabtay  Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada arrimaha Dibada Wasiir ku -xigeenka Wasaarada, xildhibaano, safiirada Somaliland u fadhiya dalalka dibada, shaqaalaha wasaarada arrimaha dibada iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Arrimaha dibada oo Maxamed Biixi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo agaasimaha  cusub isla markaana uga mahadnaqayo agaasimihii hore ee ay soo wada shaqeeyeen waxaana uu yidhi  waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa agaasimaha wasaarada arrimaha dibada loo soo magacaabay C/raxmaan Cumar Abdeeq waxaana si sagootinaynaa agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibada Maxamed Siciid Xasan oo aad u soo wada shaqaynay waxaana aan leeyahay Maxamed Xasan Wali wasaarada arrimaha dibada  kamaad tagin talo ayaan kaaga baahanahay waxaana ogsoonahay in wixii talo ah nala ag joogi doono waxaana aan leeyahay shaqada Alle ha u fududeeyo agaasimaha cusub waana kula shaqaynaynaa.
Agaasimihii hore ee wasaarada arrimaha dibada Maxamed Siciid Xasan oo isaguna halkaasi  ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inuu uga mahadnaqayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka sidii ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay waxaana uu yidhi mudadii aan joogay wasaaradda arrimaha dibada waxa aan la soo shaqeeyay wasiir Maxamed Biixi oo aan u arkayay wasiir aan wax badan ka korodhsaday oo ah nin aqoonyahana waxaana nasiib u yeeshay in aan la shaqeeyo qof lala shaqeeyo qofkii ugu wanaagsanaa.
Wasaaradda markii aan xilka la  wareegay shaqaalaha wasaaradu tiradoodu dhawr iyo soddon ayay ahaayeen maantana waxa ay marayaan 60 iyo dheeraad waxa ku soo biiray wasaarada dad badan oo aqoonyahan ah.
Agaasimaha cusub ee wasaarada arrimaha dibada C/raxmaan Maxamuud Abdeeq oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ka dhabeeyay balanqaadkiisii ahaa in dhallinyaradu ka mid noqon doonto xukuumadiisa waxaana uu uga mahadnaqay  xilka uu magacaabay waxaana uu yidhi madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa markuu kaanbaynka ku jiray in dhallinyaradu door ka qaadan doonaan xukuumadiisa waxaana ka markhaati ah in nin dhallinyar ah nin dhallinyar ah lagu badalayo qaar badana xil hayaan markaa waxa aan u sheegayaa dhalinyarta in ay yihiin hantida lafdhabarta qaranka Somaliland waxaana amaanteeda iska leh madaxweynaha Somaliland.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada Axmed Aadan Ismaaciil  ayaa waxa uu sheegay in agaasimaha cusub ka soo bixi doono  xilka loo magacaabay waxaana uu tilmaamay in aan la iloobi doonin wixii uu qabtay agaasimihii hore waxaana uu yidhi  wixii uu u soo qabtay agaasimihii hore waxa xusi doona taariikhda kana mid noqon doona bahda wasaarada arrimaha dibada.
Waxaana isagana soo dhawaynayaa agaasimaha cusub oo isagana rajo wayn ka qabo inuu buuxin doono kaalintii agaasimihii hore ugu jiray wasaarada arrimaha dibada.
By: Khadar M.Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply