Fanaanad Caan Ka Ahayd Maraykanka Oo Islaamtay

0
290

Fanaanada Janet Jackson oo caan ka ahayd wadanka Maraykanka ayaa qaadatay diinta Islaamka, kadib markii ay dhowaan fasaxyo ku timid wadamo kamid ah Khaliijka Carabta, halkaas oo ay joogtay muddo bil iyo badh ah.
fanaanadan oo da’ahaan gaadheysa 49 sanno jir ayaa ah mid muddo dheer kusoo jirtay fanka, waxaanay saaxiib dhow la ahayd maalqabeeno carbeed,kuwaas oo ku marti qaadi jiray wadamada ay kasoo jeedaan.
markii ugu dambaysay waxay booqasho ugu timid ninka lagu magcaabo Wissam Al Mana oo isna da’ahaan ah 40 sanno jir,iyada oo kusoo booqatay wadanka Qadar, halkaas oo ay muddo bil iyo badh ah joogtay, waxaanay soo martay meelo badan oo dalkaasi kamid ah.
ninkaasi Carbeed ayaa sabab u noqday inay fanaanadaasi qaadato Diinta Islaamka ugu dambayntii,iyada oo isla waqtigaasba qaadatay maryo asturan oo aan la mid ahayn kuwii ay hore u qaadan jirtay ama u xidhan jirtay.
qoyska ay ka soo jeedo gabadhaasi ayaa iyaguna si buuxda ugu raacay diinta Islaamka ee ay qaadatay inantoodu,waxaanay sheegeen inay tixgelinayaan diinta ay qaadatay iyo sidoo kalena rabitaanka inantooda.
waxa waqtiyadii ugu dambeeyey diinta Islaamka kusoo biiraayey dad badan oo caan ka ah caalamka,kuwaas oo isugu jiray hesaayo,filim meteleyaal,ciyaartoy iyo dad kale oo caalamka aad looga yaqaano.Fanaanad Caan Ka

Leave a Reply